Madaxweynaha Wadanka Uganda Yuweri Musaveni ayaa galinki dambe ee manta ku tagay Magaaladda Muqdisho Booqasho kadis ah ama aan hore loo sii shaacin, Madaxweyne Musaveni waxaa la arkay galabta isagoo dhex taagan Magaaladdda Muqdisho Wuxuuna kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowladda KMG iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Amisom gaar ahaan kuwa Uganda.
Madaxaweyne Yuweri Musaveni ayaa galabta ku tagay Magaaladda Muqdisho booqasho taariihiya wuxuuna noqonayaa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Africana oo booqasho ku yimaado Mudo 20 Sano ah.
Madaxweynaha Wadanka Uganda Yuweri Musaveni ayaa galabta garoonka Magaaladda Muqdisho kasoo dagay Waxaana loo sii diyaariyay meel aan sidaas uga fogeyn garoonka yadoo ay amniga goobtaas si weyn u adkeeyeen Ciimada Amisom ee ku sugan Magaaladda Muqdisho.
Yuweri Musaveni ayaa kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Madaxweynaha Dowladda KMG Mudane Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xass Musaveni ayaa ugu hambalyeeyay madaxda dowladda xalka ay ka gaareen murankii siyaasadeed ee ku dhex jiray iyo sida dhiirranaanta leh ee ay u ansixiyeen xukuumadda cusub.an Sheekh Aadan iyo Raysal Wasaaraha Xukuumada Fadraalka Farmaajo.
Madaxweyne Musaveni ayaa ugu hambalyeeyay Madaxda Dowladda xalka ay ka gaareen murankii siyaasadeed ee ku dhex jiray iyo sida dhiirranaanta leh ee ay u ansixiyeen xukuumadda cusub.
Marka laga yimaado kulamada uu Madaxweyne Musaveni la yeeshay Madaxda Dowladda Fadraalka Wuxuu kulamo xaasasiya la qaatay Askarta iyo Taliyaasha ee Amisom ee ku sugan Magaaladda Muqdisho Wuuxuna Musaveni sheegay in uu kor u qaadayo niyada Ciimada Reer Ugana ee nabad ilaalinta u jooga Dalka Soomaaliya.
LaasqorayNet-
Laasqoray.Net@gmail.com
