webmaster@laasqoray.net

Madaxweyne Farole oo la kulmay Jaaliyadda Puntland iyo Madaxda Uganda

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Somalia Dr C/raxman MaxamadMaxamud (Farole) ayaa la kulmay Jaaliyadda Reer Puntland ee dalka Uganda, Wafdiga ayaasidoo kale qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda Mr. Sam Kutesa.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. C/llahi AxmadJamac (Ilkajir) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland.

Wafdiga ayaa habeenkii Sabtiga (4 June 2011) Hotel Serena ee Magaalada Kampala kula kulmayJaaliyadda Reer Puntland ee dalka Uganda, iyadoo xafladaasi casho-sharaf ay ka soo qaybgaleenguud ahaan mujtamaca, sida cuqaasha, culumada, ganacsatada, ardayda iyo haweenka ReerPuntland oo ku nool Magaalada Kampala.

Jaaliyaddu xog-warankii ay siiyeen Madaxda Puntland waxay ku sheegeen sida wanaagsan eeshacabka iyo Dowlada Reer Uganda ay ula dhaqmaan dadka Somalida.

Xafladaani oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay culumo, arday,ganacsato iyo Xildhibaan C/xakin Maxamad Axmed (Dhoobe-daareed) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Intaasi ka dib ayaa waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DowladdaPuntland Gen. Abdullahi Ilkajir, iyadoo uu Wasiirku warbixin ka siiyey Jaaliyadda Puntlandsafarka Wafdiga ku yimid dalka Uganda.

Dowladda Puntland ayaa lagu casumay inay ka soo qeybgasho shirkii International ContactGroup (Kooxda Xiriirka Caalamiga) oo lagu qabtay Speke Resort Hotel, June 2 – 3, 2011,iyadoo shirkaasi ay ka soo qeybgaleen wufuud tiro badan, sida Madaxda TFG, 26 Dowladoodiyo 8 urur caalami ah sida IGAD, NATO, AU, EU.

Madaxweynaha Puntland ayaa qudbad ka jeediyay shirkii Jaaliyadda Puntland, isagoo warbixinka bixiyay xaalada dalku ku sugan yahay, wuxuuna si gaar uga hadlay xaaladaha dhaqaale,siyaasadeed iyo amni.
Madaxda Dowladda Puntland ayaa ka jawaabay su’ aalihii Jaaliyadda Reer Puntland, waxaana intaasi ka dib loo fariistay casho-sharaf ay Jaaliyadu ku marti-galisay Wafdiga Madaxweynaha,qabanqaabadeeduna uu lahaa Md. Cumar Xaji Axmad (Mandela).

5 June 2011 ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda Mr. Sam Kutesa wuxuubooqasho sharaf ugu yimid Madaxweynaha Puntland hotel-kii uu degenaa, Madaxweynaha oouu weheliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa ayaa wadahadal ku yeeshay hoolkashirarka ee hotel-ka Speke Resort.

Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda waxay ka wada hadleenxaalada guud iyo marxalada ay marayso Somalia waqtigan, iyo gaar ahaan arrimaha Puntland,halkasoo Madaxweynuhu u balbalaariyay Wasiirka xaaladda dhabta ah ee Somalia iyo tanPuntland.
Gabogabadii Madaxweynaha Puntland ayaa mahad balaaran u jeediyay shacabka iyo DowladdaUganda howsha nabad-ilaalinta ee Muqdisho ka hayaan ciidanka AMISOM.

Sidoo kale, wuxuuaad uga mahad celiyay shacabka iyo dowladaba sida ay u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeedee ku sugan dalka Uganda.
Wafdigii Puntland ayaa habeenkii Axada ahaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee xaruntadalka Ethiopia.









Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: info@puntland-gov.net
Web: www.puntland-gov.net

 

Comments are closed.