webmaster@laasqoray.net

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland: “Ciidamada Badda Puntland Cidna Duulaan Kuma aha ee Waxay ILaalin Doonaan Badda Puntland”.

Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa ka hadlay warar dhowaanahan soo baxaayey kuwaasi oo ku aadanaa in Ciidamada Badda Puntland ay yihiin kuwo laga leeyey dano kale oo gaar ah wuxuuna Madaweynahu sheegay in ay wararkaasi yihiin kuwo aan waxba ka jirin.

Madaxweynaha ayaa mar uu kahadlaayey tababar uu Arbacadii u furay qaybta labaad ee Ciidamada Badda Dawladda Puntland ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Badda Puntland ay yihiin kuwo ay Dawladdu leedahay isla markaana ilaalin doona Badaha Puntland iyaga oo la dagaalami doona Burcad Badeedda, Tahribta, Maraakiibta sida sharci darrada ah Badda uga kalluumaysta iyo dhamaan ciddii kusoo xad gudubta Badda Puntland.

“Berhayan waxaa Warbaahinta ka maqlaynay dad ku hadaaqaaya in Ciidamada Badda Puntland laga leeyahay dano gaar ah, hase yeeshee waxaan u sheegaynaa ciddii hadaladaasi tiri in aanay jirin cid ay duulaan ku yihiin, Ciidamada Badda Puntland ay ilaalin doonaan Badaha Puntland iyaga oo cashar lama ilaawaan ah u dhigi doona ciddiin kusoo xadgudubta Badda Puntland”, ayuu yiri Gen C/samed Cali Shire.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay yagleeleen Ciidamada Badda isla markaana ay qansadaraas la galeen Shirkad ajnabi ah kadib markii ay caalamka ka waayeen taageero ku aadan la dagaalanka Burcad Badeedda isaga oo meesha ka saaray in ay cid kale duulaan ku yihiin.

“Kadib markii caalamku wax nagala qaban waayey ladagaalanka Burcad Badeedda ayaan goosanay in aan samaysano Ciidamo noo gaar ah, kuwaasi oo gaar ka qabta xeebaha dheer ee Puntland, waxayna noqon doonaan kuwo ladagaalama cid kasta oo Badda Puntland soo gasha”, ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aaday xilli ay maal mahan soo baxaayeen walaac badan oo laga qabo Ciidamada Badda Puntland oo noqday Ciidankii ugu horeeyey oo isticmaala Diyaaraha dagaalka intii dalku bur burka ahaa sida lagu sheegay warbixin uu dhowaan soo saaray Maraykanku.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

3 Responses

  1. waa aqaana qof ku qaraabta magaca dadka war xishoo oo nooda magacayaga wanaagsan ee dhahar ee aad ku qaraabanayso anagaa ah reerdhahar iyo deegaanadaa tirisayna anaguna waxaanunahay dad reer puntland ah waa n ka xumahay in qof uu qaato magac aanu lahayn oodad dano gaar ah ay wataan ader hadaan kuu sheego ciidamada tababarku udhamaaday iyo kuwa wadaba waa ka badh dadka aad deeganadooda tirinaysa jabhada aad sheegaysona adeer iyadaan ba usoosoconaaye hawareerin waxaana rabnaa inaanu kasafeen dhamaan deeganada warsangeli oodhan iyo calooshooda ushaqaystayaasha hor boodaye oo hargeesa kusugan iyo kuwa dadkooda dhaafsanaya cad quudheedka ceel afweyn ayaa noobalan ah waana la isugu imaanaya ileen ceelkaba waxaa aas aasay suldaan kii guud ee beesha markaa waa muqadas dhulka reer puntland oo dhan inuu maamulku gaadho tan aad leedahay xadna adeer gaal aan ka kiciyey dhulka ba adoo tarikhdaduba aanay dhamen qarni waxaad rabta ainad dadka ka dhaadhiciso wax layirahdo somaliland taas oo an awelba ka diiday ingiriis oo quwad lahaa miyan kayeelaya inan korka kasodhacay oo an dhulka lahayn salaama

  2.  hadaan nahay dadka deegaanka Galgala, madarshoon,Balikhadar, Maraje,Ceelaayo , Qaw, majayahan, Dhallan, waxaan ka rabnaa Dawlada Soomaali land in ay ciidanka qaranka gayso xuduudka dalka, hadal qurii wax tari maayo.
    Janaraal Muuse Dalaf oo ah taliyaha ciidanka qaranka Somaliland ee aaga Bari, kana soo jeeda asal ahaan deegaankan, iyo dhammaan taliyayaasha waaxaha ciidanka waxaa maanta la gudboon in tagaan xuduudka dalka, waana waajib qaran , si loo badbaadiyo dalka iyo dadka bariga Somaliland.
    Xuduudka Somaliland ma aha xuduud qabiil waa mid qadiim ah adduunkoo dhamina yaqaan ninkii aan aqoona halkan ha akhriyo;
    Tuuladda Qaw(Bendersiyaada) ayuu ka bilaabmaa, Beeraha Galgala buu badhtanka ka maraa, balikhadar, Maraje,Madarshoon, Dabeer,intaasuba waa gudaha Somaliland haddana waxaa haysta ciidamada Puntland.
    Xuduudku waxaa uu maraa Ceeldoofaar laamiga qayb ka mid ah , halka abuu Karkaar ka galaa isagoo maraya meesha lka yiraahdo YAXYA GEES oo 4 KM u jirta Qardho, waxuu maraa Yabaayil, ilaa kaantaroolka Garoowe, waxaana uu u jiraa Buurtinle 2KM waana meesha loo yaqaan Birta dheer.
    Somaliland Ma aha qabiil Waa qaran, dadka deegaankaas aan soo sheegay degan iyagaa u badan ciidanka qaranka ee hadda xarunta ay u tahay Ceerigaabo.mana rabaan in P/land sii haysato dhulkooda, cxalooshood u shaqaystayaalna daka laga iibsho.
    Boowayaal aan sugno waxa soo kordha, taariikhdana dib ha loo eego.

  3. Ninkii yiraahda gen C/Samad Cali Shire maahan Puntland, waxaan oraynaa “..adna Soomaali matihid..”