webmaster@laasqoray.net

Madaxweyne Puntland oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK (SAWIRO)

M/weynaha Puntland Dr C/raxmaan Max’ed Max’ud (Faroole),ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Ingiriiska,kuwaasi oo ka kala yimid gobolada iyo demooyinka dalka Ingiriiska.

Kulankaan oo ay ku dhamaayeen guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed ugu horay waxa ka hadlay engineer Max,ed Caliyow oo ah guddoomiyaha beesha Digil iyo mirifle,waxaanu aad ugu nuux nuuxsaday in Puntland ay tahay iftiinka maanta Soomaaliya oo dhan ay haysato waxaana looga fadhiyaa buu yiri in inta maanta ay qabteen in ka badan ay qabtaan.

Dr Faroole ayaa kulankaan ka jeediyey khudbad aad u dheer oo meelo badan taabanaysay,waxaana uu aad ugu dheeraaday in midnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan iyo in Soomaalidu ku ceebowday dagaalkii ay soo mareen ee macna la,aanta ahaa,waxaana adduunka aad ula yaabanyahay in dad isku diin,isku dhaqan iyo dhalasho intaba wadaaga la garanwaayo waxay ku dagaalamayaan bulshada caalamkuna ay ku wareerto.

Halka kasii akhriso

Xigasho- Puntlandpost.com

Comments are closed.