webmaster@laasqoray.net

Madaxweyne Shariif: “Qilaafkeena saamayn kuma yeelanayo dagaalada Muqdisho”

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya shariif sh,axmed ayaa sheegay in khilaafka isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee somalia shariif xasan sh,aadan u dhaxeeya uusan saamayn ku yeelan doonin dagaalada ay dowladda KMG ahi kula jirto Xarakada shabaabul mujaahdiin ee ka socda qaar ka tirsan koonfurta iyo bartamaha somalia
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo habeenkii xalay qaar ka tirsan saxaafada kula hadlay xarunta dhexe ee ciidamada dowlada ee ila baydhabo ee magaalada muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada koonfurta iyo bartamaha somali taasoo uu tilmaamay inay dowladu dadaalo ugu jirto sidii ay ula soo noqon lahayd gobolada ay gacanta ku hayaan xarakada alshabaab isagoo farta ku fiiqay in dagaalada ka soconaya dalka aysan joogsan doonin ilaa iyo inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM gacanta ku dhigayaan guud ahaan dalka Soomaaaliya.
Sidoo kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya isaga iyo gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan saamaynta uu ku yeelan karo dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho , ayaa sheegay in mar hadii la’isku hayo qodob sharci ah, uusan wax saamayn ah ku yeelan doonin khilaafkaasi dagaalada ka soconay Muqdisho oo ay ciidamada qalabka sida ay hurmuud ka yihiin .
“Waxa lagu hadlaayo waa sharci, sharcina in lagu hadlo waa dowladnimo wax dhibaato ah malahan, wax laga wal walaayona ma jiraan wax saamayn ahna kuma yeelan doono dagaalada ay hurmuudka ka yihiin ciidamada qalabka sida ” ayuu yiri Madaxweyne shariif sh Axmed.
Madaxweyne Shariif sh,axmed waxaa uu sheegay in gobolada dalka Soomaaliya ay dowladda ka samayn doonto howlgalo aan caadi ahayn islamarkaana sida uu sheegay Xarakada Al Shabaab iyo dad uu tilmaamay inay marti u yihiin laga saari doono guud ahaan gayiga Soomaaliyan waa siduu hadalka u dhigaye .
Si kastaba ha ahaatee Hadalka Madaxweyne Shariif sh,axmed ayaa kusoo beegmaya xili ay Khilaaf xoogani hareeyey isaga iyo gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sh,aadan islamarkaana ay magaalada muqdisho iyo meelo kale oo gobolada dalka ka jiraan xasarado colaadeed kuwaasoo u muuqda kuwo cirka iskusii shareeraya iyadoo labada dhinac dhinaca kaleeto ku haminayo inuu ka takhaluso
yassiin maxamed cali ( faytin )
Muqdisho
Somalia

Comments are closed.