Madaxweynaha Dowlada ku meel gaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa safar deg deg ah ugu duuley dalka dibadiisa iyadoo ay ugu horeyneyso dalalka uu tegi doono madaxweyne Shariif dalka Ethiopia.
Safarka Madaxweynaha ayaa imanaya xili uu cirka isku shareerey khilaafkii u dhexeeyey Dowlada ku meel gaarka ah iyo Madaxa Sare ee Xafiiska Qaramada Midowbey u qaabilsan Somalia Danjire Mahiga.
Safarka Madaxweynaha oo aan hore loo shaacin ayaa waxaa qorsheysan inuu la kulmo Madaxda dalka Ethiopia iyo Tansaniya isla markaana war murtiyeed kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha ay ku tilmaamtey kuwo lagu xoojinayo xiriirka dalalkaas iyo Somalia.
Sidoo kale Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliya madax ka mid ah xukuumadiisa oo ay ka midyihiin Raiisul Wasaare Ku xigeenka, ahna Wasiirka Difaaca Abdihakim Mohamud Haji Wasiirka maaliyadda Hussien Abdi Halane, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abdulkadir Moallim Nur, Madaxa Protocolka Xafiiska Madaxtooyada Mursal Saney.
LaasqorayNET-Muqdisho
