webmaster@laasqoray.net

Magaalada Shinbiraale ee Sanaag oo ay Jabhada Somaliland qabsatey

Maamulka Somaliland oo fadhigiisu yahay Magaalada Hargeysa ayaa waxay la wareegtey Magaalada Shinbiraale ee Gobolka Sanaag iyadoo ay saldhig ka sameysatey isla markaana ay daba socdaan reer guuraa ku abtirsada beelaha taageersan maamulkaas iyo mabaadideeda isla markaana ay qorsheynayaan iney duleedka magaaladaasi berkado laga qodo.

Hore ayaa gudoomiyaha Gobolka Sanaag uga hadley arintan dhul balaarsiga ah isla markaana ka digey cawaaqib xumada ka dhalan doonta fara dhul balaarista ay wadaan beelaha kasoo jeeda tuulooyinka Galbeedka Sanaag isla markaana laga yaabo iney dhacdo dagaalo.

Shinbiraale ayaa dhacda Koonfur Galbeed ee Magaalada Ceerigaabo, qiyaas ahaana u jirta xarunta Gobolka Sanaag masaafo aan ka badneyn 45km jihada Fiqifuliye, waxayna magaaladu dhinaca Waqooyi ka xigtaa magaalada Dawaco oo u dhow Degmada Carmale ee Gobolka Sanaag.

Shinbiraale oo ay la wareegtey Somaliland ayaa sidoo kale aheyd goobihii uu ka dhacay Dagaalkii Difaaca ee Gobolka Sanaag isla markaana lagu jebiyey jabhadaas iyo taageerayaashooda sanadihii 1990kii isla markaana aheyd goobihii uu jabku iyo halaagu kasoo gaareen jabhadaas xaq darada iyo quursiga qabiilka ku dagaalameysey.

Shinbiraale ayaa u eg wadadii ay martey Biyo Guduud oo iyaduna tan iyo intii ay taageerayaasha Jabhadaasi ka dhigteen Saldhig ciidan ay gebi ahaanba la wareegeen beelaha kasoo jeeda tuulooyinka ku yaala Galbeedka ee Gobolka Sanaag iyadoo goobtaasi ay noqotey goob ay isaga huleeleen dadkii hore u degenaan jirey.

Waxaa iyaduna nasiib daro noqotey iney wiilasha Maakhir.net ay warkaas ka dhigaan mid dabaal deg ah oo isla markaana ku faaney iney odayaasha deegaankaasi ay soo dhoweeyeen iyadoo odayaal ka mid ah kuwa deegaanka oo ku sugan Ceerigaabo ay beeniyeen iney jirto cid soo dhoweysey ayna arintani wataan rag u dhashey Degmada Dhahar iyo Shinbiraale labadaas nin oo lakala yiraahdo Ahmed Jeenitaag iyo Muuse Deylaaf oo in mudo ahba u sacaba tumayey maamulka Siilaanyo ee hogaanka Somaliland.

Waxayse inamada webka marin habaabsan oo lagu tilmaami karo Afnugaal Sanaag ay ilowsan yihiin daba dhilifnimadu ineysan Saldhig ciidan oo la sameeyo aysan arintu aheyn e ay saldhigu daba socoto, qaad wadayaal, xoolo dhaqato caano gadeysa, berkado ciidamada biyaha loogu keydiyo, reer guuraa usoo barakaca iyo deegaameyn hor leh oo meesha sidaa lagula wareego,waana tusaalihii Biyo guduud.

LaasqorayNET-

Comments are closed.