Maalinta AIDSka Aduunka ee k u aadan 1December ayaa Maanta siwayn looga xusay Magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ,kulan baaladhan oo ka dhacay Dugsiga hoose dhexe ee Degmada laasqoray ayaa waxaa ka soo qaybgalay Qaybaha kala duwan ee Ururada dhalinyarada,Maamulka degmada iyo Odayaal iyo Qaybaha kale bulshada.
Kulankan Maanta ka dhacay Dusgiha Hoose dhexe ee Calmadow ee Degmada Laasqoray ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Bahda Waxbarashada Degmada Laasqoray ee Gobolka sanaag iyo Ururka Badbaado ee Qaabilsan wacyigelinta Cudurka Halista ah ee HIV/AIDSKA.
Waxaa Halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyey Qaybihii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay iyadoo ugu Horayn Maamulka Dugsiga hoose dhexe ee Degmada Laasqoray ee Calmadow uu Qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyey oo wacyigelin ah iyo qatarta Aduun iyo Aakhiroba Qofka bini aadamka ah ee Islaamka ah uu Cudurkani u samaynkaro.
Maxamuud Xaamid Cumar Maamulaha iskuulka Calmadow ee Degmada Laasqoray ayaa sidoo kale u Mahadceliyey Ururada Bulshada Rayadka ah iyo Ururada kale ee soo qaban qaabiyey Maanta kulankii ka dhacay Dugsigaasi.
Sidoo kale Waxaa Halkaasi ka hadlay Qaar ka mida dhalinyarada Ururka Badbaado ee Qaabilsan iyagu la dagaalanka cudurkan Halista ah ee HIV/IDSka Gudoomiyaha Dalada Badbaado ee Degmada Laasqoray Musatafa Maxe,ed (Maacir) oo Halkaasi ka soo jeediyey Waxaana uu xusay Maalinta IDSka Xusitaankeeda iyadoo xiligan ay Degaanada Puntland ku soo badanayeen dadka cudurkaasi qaba ka dib markii ay bateen falalka budhcada iyo arrimo la mid ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay Shacabku si wada jir ah arrintaasi uga gashaantaan oo ay tahay mid loo baahanyahay inay dhalinyarada aqoonyahanada ah dardargelinayaan la dagaalanka galmada iyo xadgudubyada Xaraanta ah ee Dadka islaamka ah si ay u yaraato buu yiri khatarta keeni kadha cudurkan halista ah.
Xaawa Cabdilaahi Cismaan oo ka mida ah Ururuada Haweenka degmada laasqorqay ayaa iyana ka hadashay halkaasi oo faalo badan ka bixisay qatarta iyo helista Cudurkani ioo manta siwayn looga xusay degaanada dalka.
Dhanka Aqoonyahanada waxaa u Hadlay Axmed Maxamed Salaax (Carab) oo isna doorka Odayaasha dareenkooda ee ku wahajan cdurkaasi faalo ka bixyey,Ugu Damyntii Halkaasi ugu Hanbalayey sida Wanaagsan ee bahda Waxbarashada Degmada Laasqoray iyo Ururada Qaybohooda kala duwan ay manta xuskan uga qaybqadanayaa.
Gudaha Magaalada Laasqoray oo ah Magaalo aad u balaadhan ayaa Maanta waxaa ka dhex muuqanayey Qaybaha kala duwan ee Ururada dhalinyarada Ardayda Cafimaadka iyo iskuulayda kale oo koox koox u soconaya isla markaasina Wata Boodhadh iyo Weliba Dharka ay ku qorantahay calaamada cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDSKA.





December 3, 2010 at 12:06 pm
aad baan u farax sahay sida fiican ee loo ga wacyigeliyay bulshadda reer laas qoray HIV
December 2, 2010 at 7:30 pm
waxan aad ugu mahad celinaya Gudoomiyaha Ururka Badbaado Mudane: Mustafe M.M.Maacir, hawshaad uu qabtay iyo dhamaan bulshada reer Lasqoray ee sia wada jirka ah u wada fuliyey Barnamijkas,
Lakiin Maacir Gudoomiye Sawirada maxad uga soo muuqan wayday kkkkk
Mudane Gudoomiye hawsha halkaas ka wad, Cun-cunkiina waakuugu jiraaye , kkkkkkkkkkk
December 2, 2010 at 4:37 pm
masha alah aad ayan ugu farxay in activity uu ka socdo magaladeni asalka ahayd ee laasqoray.
waxan rajaynayaa in ay dhinackasta ka hormari donto lasqoray iyo dhaman gobolka sanag,
shacabka reer sang waxan leeyahay waxaa yimi xiligii aynu kici lahayn horda dheer ka dib, kuma naan sano ayeynu hurudnay iminka cidna wax inoo qaban mayso lkn waa in inagu wax qabsanaa aqoontana lagu dadaalaa,
khayr iyo horumar ayan idiin rajayn dhamantin.
December 2, 2010 at 4:03 pm
waa arin wanaagsan