webmaster@laasqoray.net

Mahinga:Xilliga Ku Meergaarka ah waa inuu dhammaado bisha Agoosto

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Dr. Augustine P. Mahiga, ayaa sheegay in kulan gaar ah oo heerkiisu sareeyo loogana hadlayo arrimaha Soomaaliya uu ka dhici doono magaalada Addis Ababa. Shirkani waxaa la qabanayaa inta uu socdo Shirmadaxeedka Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa.

Shirkan heerka sare waxaa si wadajir ah u qaban doona Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Mr. Ban Ki-moon iyo guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Mr. Jean Ping. Waxaana shirka dib loogu eegayaa xaaladda geeddisocodka nabadda Soomaaliya. Shirku wuxuu ku soo beegmay xilli geeddisocodka nabadda Soomaaliya uumarayo marxalad aad u muhim ah, ayuu yiri Dr. Mahiga.

“Dhammaadka xilliga ku meelgaarka waxaa nooga harsan toddoba bilood oo keliya, welina waxaa harsan wax badan in la qabto”

Dr. Mahiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Ku Meergaalka ah ay diyaarisay qorshe hawleed qeexaya hawlaha muhimka ah ee ay doonayso inay qabato inta uusan dhammaan xilliga ku meelgaarka ah.

“Waxaa si guud ah la isugu afgartay, ha ahaato dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, in xilliga ku meelgaarka ah uu dhammaado bisha Agoosto sida ku cad Heshiiskii Jabuuti. Inta ka horeysa waqtigaana waxaa soconaya wadatashi lagu gaarayo isafgarad ku saabsan sida lagu dhammeynayo xilliga ku meelgaarka ah iyo sida uu noqonayo hanaanka siyaasadeed ee jiri doona xilliga ku meelgaarka ka dib”, ayuu yiri Dr. Mahiga.

Isafgarad laga garaaro hanaanka siyaasadeed ee imanaya dhammaadka xilliga ku meelgaarka ka dib waa inuu ku billowdo wadatashi dhexmara Soomaalida si uu u noqdo mid loo wada dhanyahay kana wada qaybgalaan dhammaan dadka ay arrintu khuseyso si isafgarad looga gaaro wixii laqaban lahaa arrimaha mustaqbalka, ayuu ku nuuxnuuxsaday

Dr. Mahiga.

NB: Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi

Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133

Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

Comments are closed.