Maleeshiyaadka isku magcaabey Ahlu Sunnah Waljamaaca ee Suufiyada ee ku sugan Degmada Doollow ee xadka ku meel gaarka ah ee Somalia iyo Ethiopia ayaa cabasho ka muujiyey amar ay kusoo rogeen saraakiisha Ethiopianka ee ku sugan isla degmadaas oo ah in hubka Suufiyada lasoo wareejiyo.
Lama garanayo sababta keentey isku dhaca labadaan kooxood inkastoo dadka ku xeel dheer Xiriirka Ethiopia ay laleedahey jabhadaha dagaal oogayaasha ahaa ee 30kii Sano ee ugu danbeeyey qaska iyo fowdada ka wadey Somalia iney markey ku dan gaaraan dibada u tuuraan.
Warar hoose ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in Saraakiisha Ehtiopianku ay ka caroodeen dhowr jeer oo amaradooda la jebiyey kadib markey dhowr jeer Suufiyada ku amreen iney dagaal kula wareegaan Degmooyinka Gobolka Gedo hase yeeshee aysan taasi dhicin.
Lama garanayo waxay ku danbeyn doonto xaalada Degmada Doolow iyo iney Ethiopianku ka bixi doonaan iyo iney ku darsan doonaan dhulka ay gumeystaan ee Galbeedka Somalia.
Hore ayey Saraakiisha Ethiopianku waxay hub ka dhigis iyo xidhidba ku sameeyeen Saraakiil la sheegey iney ahaayeen Ciidamada Dowlada Ku meel gaarka ah ee ku sugan Xuduudka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia[Soomaali Galbeed].
LaasqorayNET-Muqdisho
