Sidaan la socono Qardho waa magaalo qadiimi ah oo leh taariikh dheer. Waxay magaalo noqotay sanadkii 1930kii Waana magaalo dad badani isugu iman jireen waayo waxay leedahay dhul daaqsimada xoolaha aad ugu wanaagsan oo uu markhaanti u ytahay hadalkii Seyid Mahamed Cabdulle Xasan markii la weydiiyey qurux iyo daaqsin wanaag dhuleed oo uu yiri dooxiyinkii qardhood maku darteen.
Sidoo kale waxaa jirtay oraah kale oo oranaysay “Nin waliba wuxuu qabo Qardhuu la iman” taas oo aan u fasirtay inay ka tarjumayso inay nawaaxigeeda degaan lagu kulmo ay u aheyd taariikh ahaan.
Markii xornimada loo dagaalamayey oo gumaystaha telyaaniga lala dagaalamayey waxay aheyd magaalo ka qayb qaadatay halgankii loogu jiray xornimada dalka.
Sidoo kale qardho waxay aheyd magaalo waxbarashada caan ku ah oo laga yaqaanay soomaaliya. Waxay aheyd hooyada waxbarashada gobolo badan oo Soomaaliya.
Bilowgii todobaatanaadkii waxay yeelatay dugsi sare oo laysaga iman jiray ilaa Gaalkacayo, Sanaag, Nugaal, iyo Bari oo dhan,inkastoo markii dambe Gaalkacayo laga furay dugsigii sare ee Cumar Samantar loogu magac daray.
Qardho waxay aheyd wershad waxbarasho oo soo saartay dhalinyaro aad u tiro badan oo markii dambe noqday hogaanka ummadda soomaaliyeed oo ka qayb qaatay horumarkii dalka iyo dadka.
Ardada qardho ka soo baxda caan ayey ka ahaayeen jaamicaddaha soomaaliya aqoon wanaagooda awgeed. Waxaan xasuustaa markaan dhamaystay dugsiga sare in dawlada soomaaliya ku dhawaaqday inay siinayso deeq waxbarasho ardadii soomaaliya ugu sarraysay sanadkaas dhalintii qardho u dhalatay oo deeqdaas waxbarasho heshay waxay noqdeen ilaa 8 arday oo 5 ka mid ahi ka baxeen dugsiga sare ee qardho sanadkaas (1982) tirade ardada dugsiga sare qardho sanadkaas ka baxday waxay aheyd ilaa 40 arday.
Waxaan xasuustaa macalinkaygii dugsiga sare wax ii dhigayey oo reer sanaag ahaa inuu igu yiri maalin waxaan dugsiga sare kaga baxay magaalada qardho.
Waxaase dhacayday nasiib darro in markii dawladdii dhexe ee soomaaliya burburtay qardhana mudatay ubadkeedii dib u dhac aad u wayni ku yimi oo sababteeda aan u celinayo inay ma’suul ka yihiin dhalinta u dhalatay. Waayo ciddii ugu horreysay ee ka wada fariisata in Puntland jaamicad laga furo waxay ahaayeen dhalin qardho u dhalatay go’aanna waxay ku gaareen in meelo kale kaga haboon yihiin in jaamicad laga furo.
Runtiina qardho xaq ayey u lahayd in jaamicadii ugu horeysay puntland laga furo. Waxaase nasiibkeedu noqday in jaamicaddii ugu horreysey ee qardho laga furo albaabada loo furo bishii October ,12, 2010.
Arrintan furitaanka jaamicada qardho waxaa isu xilsaaray dhalinyaro u dhalatay degmada qardho oo maalkoodii iyo waqtigoodiiba geliyey siday jaamicadani ku furmi lahayd. Dhalintaas oo aad u farabadan ayaa hadana ugu cad cadaa labada qof oo kala ah:.
- Zekeriaya Mahamoud Isse
- Prof: ahmed Mohamed barre
Waxaana jira dad aad u tiro badan oo hiil iyo hooba nala garabtaagnaa oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi Karin gudo iyo dibadba oo aan ku koobayo walaal Sharma’arke Walac Walac oo dadaal dheeraad ah u galay sidii jaamicadani u hirgeli lahayd.
Waxaa kale oo halkan si gaar ah oo kal iyo laab ah ugu xusayaa walaal Cabdulfatah (Ashkir) oo jaamicadan waqtigiisii qaaliga ahaa geliyey sidii jaamicadani ku hirgeli laheyd iyo walaal Cabdulweli Gooni.
Waxaanu garaacnay albaab kasta si aan ku gaarno ujeedada furitaanka jaamicadan. Marka hore waxaan toos u abaarnay dadka waddanka gudihiisa ku dhaqan oo aanu kheyrka ku malaynaynay.
Si fiican ayaan kaalmo u helnay dad badanina waa nasoo dhoweeyeen waxaana bilownay yagleelkii jaamicada oo aanu raadsanay dhismihii aanu wax ku bilaabi laheyn oo aanu helnay isagoo qabyo ah dhamaystirkiisiina aanu gelinay lacag badan. Kadib qalabeyntii ayaanu guda galnay oo iyana ilaahay noo fududeeyey. Waxaana jira dad fara badan oo na caawiyey
Waxaa jira sidoo kalle rag culus oo aanu kheyr badan ku malaynayno oo noo ballansan in aay jaamacada soo booqdaan oo ay ka mid yihiin:
- General Mahamoud Muse Hirsi (Cadde)
- Saciid Cabdullaahi Deni
Dadaalkaas dheer kadib iyo lacag ururintaas waxaa noo dheeraa dadaalo kale oo ah dhinaca sharciyeynta jaamicada oo lala xiriirayey dawlada puntland hadday tahay degmo , gobol, iyo dawlada dhexe ee puntlandhiba.
Dhinaca dawlada puntland waxaa furitaanka jaamicada nagala soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada mudane Mahamoud Cali Gamuute.
Dhinaca Sidoo kale waxaa xusid mudan sidii quruxda badneyd ee uu agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadu noo soo dhoweeyey ugana qaatay qayb libaax furitaankii jaamicada bariga soomaaliya. Hadday noqoto ogolaanshii furitaanka jaamicada oo rag badani ka biyo diideen, hadday noqoto ka soo qaybgalkii furitaanka jaamicada iyo hadday noqoto ka qaybqaadashadii qalabeynta jaamicada oo uu qayb libaax ka qaatay.
Ugu danbeyn , Oktoober 12, 2010 ayaa albaabada loo furay jaamicaddii ugu horreysay oo ay arday uga dareertay magaalada qardho. Cadadkii jaamicada lagu furay waxuu ahaa ilaa 150 arday oo qayb ka ahaa ilaa 226 oo is diiwaan geliyey.
Jaamicaddu waxay ku bilaabatay labo kuliyadood oo kala ah:
- Kulliyada Shariicada Islaamka
- Iyo Kulliyada Maamulka iyo Maaraynta iyo Xisaabaadka ( Faculty of Business Administration)
Waxaa kaloo jira machad raacsan qaybta shariicada oo labo sano ah oo ardada loogu soo diyaariyo jaamicada.
Sidoo kale waxaa jira qayb kale oo la yiraahdo diyaarin (Upgrading) oo ardada lagu soo diyaariyo dhinaca luuqada ingiriiska iyo xisaabta.
Jaamicadda waxaa wax ka dhiga macalimiin aqoon sare leh oo ku takhasusay maadooyinka ay dhigayaan oo qaarkood haystaan shahaadooyin sare sida PH Ds iyo Masters. Hawlaha jaamicaduna waxay ku socdaan sidii loogu talagay.
Jaamicaddu waxay ku jirtaa guri ijaar ah waxaana qorshaha dhow noogu jira sidii dhul la helay loo dhisi lahaa taasna aan ku tala jirno sidii aan jaaliyada ugala tashan lahayn dhisida dhulkaas oo naqshadii diyaar noo tahay.
Dhulkan waxaa jaamicada ugu deeqay walaal Cali Cabdi Awaare ilaahay janadii fardowsa fadhigiisa haka yeelee , dhulkaas oo baaxadiisu tahay 190X100 oo uu cali jaamicadda ku wareejiyey taariikhdu markay aheyd 11/11/2010. Munaasabada dhul wareejinta oo aheyd mid ay ka soo qayb galeen madaxda gobolka Karkaar iyo gudoonka Degmada Qardho iyo dadweyne fara badan oo danaynayey ka qeyb galka munaasabadaas qiimaha iyo taariikhda u leh ummadda ku dhaqan degaanada Puntlanda iyo gaar ahaan Reer Karkaar.
Waxaa jaamicadda soo booqday dhamaan mas’uuliyiinta Gobolka iyo Degmada Qardho oo badankood ka qayb qaateen furitaankii jaamicadda sida:
- Gudoomiyaha Degmada Qardho, Maxamed Saciid Hogaama laroor.
- Gudoomiye ku xigeenka degmada Cabdirisaaq Cali Cartan (Cabaade)
- Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Karkaar, Cabdiladiif Bilaal Cabdoo
- Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Qardho, Saciid Mahamed Faahiye
- Xogyaha Dawladda hoose ee Degmada Qardho, Mahamoud Mahamed Shire
Oo iyaguna aad ugu hambalyeeyey jaamicadda si fiicana u soo dhoweeyey furitaanka jaamicaddan baahida badan loo qabey.
Booqashadii Jaamicadaha iyo dawladda Puntland:
Jaamicaddu waxay samaysay xiriiro badan oo ay la samaysay dawladda Puntland iyo jaamicadaha kale ee puntland ka furan sida:
Jaamacaddu waxay booqatay wasaarada qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah oo aanu la kulanay mudane wasiir Daa’uud oo si fiican oo kal iyo laab ah noo soo dhoweeyey noona ballan qaaday in wasaaradiisu dadaal badan u gelayso sidii jaamicadani u hirgeli lahayd
Sidoo kale waxaan booqanay wasaaradda waxbarashada oo si hagrasho la’aan ah oo noo dhoweysay.
Sidoo kale waxaan booqanay wasaarada caafimaadka siiba agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka oo isagu si shakhsiyan ah uga qayb qaatay yagleelka jaamicada.
Sidoo kale waxaanu booqanay machadka GTEC oo aanu la kulanay madaxiisa Cabdirisaaq Shoole oo si fiican noo soo dhoweeyey noona ballan qaaday wixii karaankiisa ah hiil iyo hooba inuu jaamicadda la garab taagan yahay.Jaamicada Bariga Afrika oo aan u tagnay una sheegnay jaamicaddan cusub oo ku soo korortay bahda waxbarashada . Jaamicadduna aad ayey noo soo dhoweysay oo noo tarxiibisay.
Waxaanu la kulanay gudoomiyaha jaamicada Ustaad Mahamed Abdi Aden oo si fiican oo walaaltinimo ku jirto noo soo dhoweeyey noona ballan qaaday inay nala garab taagan yihiin hiil iyo hooba wixii karaankooda ah.
Sidoo kale waxay jaamicaddu la kulantay madaxa jaamicadda Puntland State University (PSU), Mahamoud Cali Xaamud.
Sidoo kale waxaanu la kulanay maamulka jaamicada Muqdhisho oo aan xaruntooda ugu tagnay oo iyaguna si fiican noo soo dhoweeyey waxaanu la kulanay Dr. Aadan Xerow oo si fiican oo kalsooni ku jirto noo soo dhoweeyey noona ballan qaaday wada shaqayn wacan.
Lakulankii Jaaliyadaha dibada ee dalka soo booqday:
Sidoo kale waxaa jaamicadda soo booqday rag ka socda jaaliyadaha dibada oo uu ka mid ahaa Cabdulqadir Mahamoud oo ah ganacsade weyn, ahna gudoomiye ku xigeenka jaaliyada reer puntland oo ku dhaqan dalka saambiya.
Cabdulqaadir ayaa aad ula dhacay heerka jaamicadu marayso wuxuuna ballan qaaday markuu ku noqdo Saambiya inuu uga warami doono horumarka iyo dadaalka uu dalka ku soo arkay kuna dhiirin gelin doono inay jaaliyadu ka qayb qaataan horumarka dalka gudihiisa ka socda.
Sidoo kale jaamacaddu waxay xiriiro la samaysay jaaliyadaha reer puntland ee ku dhaqan dalka dibadiisa gaar ahaan jaalliyada reer karkaar ee k u dhaqan wadamada reer galbeedka.
Sidoo kale jaaliyada dibada waxaa arrintan la socodsiinay oo aad ugu riyaaqay talaabadan geesinimada leh walaalo soo booqday dalka oo kal ah:
- Mohamed Cabdulqaadir Faarah Barre
- Cabbaas Saciid awmuuse
- Burhaan Kaarshe Xuseen(oo booqday jaamicadda kuna farxay hawsha la qabtay)
Booqashadii Aqoonyahanada:
Sidoo kale waxaa midmid noo soo booqday qaar ka mid ah aqoonyahanada iyo oday dhaqameedyada
Reer karkaar oo ay ka mid yihiin:
- Dr. Mohamed Cali Faarah
- Inj. Caydaruus Cismaan Keenadiid
- Dr. Sadiq “eeynoow”
- Dr. Ahmed Yusuf (A. Saajin)
- Aqoonyahan Yuusuf Ismacil Garyar
- AqoonYahan Sharmarke Mahamed Faarah Yare
- Nabadoon Xasan Ciise
- Xidhibaan Cabdulqadir Dhaqaaje
- Xildhibaan Duuje
- Xildhibaan Cabdinaasir Cali Baaruud
- Ganacsade Faarax Xaaji Mire
- Aqoonyahan cabdi cali xundhur
- Aqoonyahan Yusuf Cali Xidig
Iyo dadweyne kale o o aad u tiro badan dhamaan dadkaasina soo dhoweeyey horumarka maantay qardho ku talaabsatay ballan qaadayna dhamaantood inay ka qayb qaadanayaan horumarinta degmada iyo degaanka.
Gunaanad:
Dadaalkaas badan ee la sameeyey iyo jawaabta ay reer karkaar ka bixiyeen oo ah soo dhoweynta jaamicadda Bariga Somaliya oo aan loo kala harin waxay markhaanti marag ma doonto ah u tahay baahida reer karkaar u qabeen mar inay jaamicad helaan. Sida ii muuqatana waxaa reer karkaar ka go’an inay ku dadaalaan sidii ay jaamicadani u taabba geli lahayd iyagoo la kaashanaya dhamaan ummadda soomaaliyeed wixii horumarka iyo waxbarashada jecel. Jaamicaddani waa baraaraysaa waayo waxay ku taal magaalada Qardho oo leh cimilo aad ugu haboon waxbarashada. Sidoo kale dadka ku dhaqan magaalada qardho oo jecel waxbarashada iyo qardho oo xudunta gobolada puntland badankood ah. Sidoo kale waxay u dhexeysaa Boosaaso oo ah xaruntii ganacsiga Puntland iyo Garowe oo ah caasumaddii siyaasada puntland. Insha allaah qardhona waxay muddo dhow kaga jiba keenaysaa dadaalkii ay ugu jirtay inay noqoto xarunta waxbarashada puntland. Sidaas oo ay ku soo jiidan karto kuna kasban karto dad badan oo magaalada horey u jeclaa cimaladeeda haddii ay waxbarasho tayo leh iyo soo dhoweyn fiican ka helaan dadka reer qardhood.

