webmaster@laasqoray.net

Maqaal:- Puntland oo ku Bur Burtay Gacanta Farool

AAs aaskii Puntland wuxuu ahaa mid Cilmiyaysan oo ay Soo Abaabuleen Siyaasiyiin Reer Puntland iyo Isimo Fac wayn oo Goboladaasi ka soo Jeeda, In kastoo ay Marxladu kala Gadisan Maamulkaasi soo maray waxa hadana dadka Siyaasada lafa Guraa ay Leeyihiin  Maamulka Puntland ee wakhtigan Jiraa wuxuu ku Fashilmay Siyaasada Gudaha iyo Tan dibada isaga oo Sabab u ahaa in Bulshadii Puntland dhisatay Sanadkii 1998-ay Maanta La kala baxaan Maamul Goboleedyo Fara badan oo Reer waliba Gobolkiisii la Go’ay sida RaascaseyrSSC,Maakhir State iyo waliba Kuwa kale oo dhawaan Soo socda.

C/raxmaan Faroole wuxuu Si Cad u dayacay Shacabka Reer Mudug oo aan Oran karo waa Shacab Muwaadiniin ah isla markaana Kaalin wayn ku lahaa Dhismihii Puntland.

Xaalada Mudug wakhtigan waan ka dheregsanahay Meesha ay Marayso Dilal Qorshaysan ayaa Masuuliyiinta Loo Gaystaa Gobolkaasi, Cid Kaalin iska saartay ma Jirto, Masuulkii Gobolka Mudug ee wax Fiican qabta xilka ayaa laga qadaa isaga oo lagu bedelo Nin  Dhaqaali Raadin dhanka Maamulka u Qaabilsan oo aan Haba Yaraatee xil iska saran Ilaalinta Amaanka Gobolkaasi.

Siyaasiyiinrta Reer Mudug Waxay aad ugu dhaliilaan Xukuumada C/raxmaan Faroole inuu ka Dul Booday Hashiisyo Caalami ah oo dadka Goboladaasi ay Kaga Mid Noqdeen Maamulka Puntland waxa uu si Cad Maamulka PL Hashiis Mugdu la Galiyay ula Galay Maamulka Gal-Mudug oo aan Oran karo Dhismihiisii waxa Kaalin wayn ku lahaa Coll C/laahi Yuusuf oo isagu Markaasi Siyaasad Fog ka La’haa  Dhismaha Maamulkaasi Hase Yeeshee Dr C/raxmaan  Ma uusan Garan Hashiiskii Gal Mudug ee Cabdi Qaybdiid Xusul duubka ugu Jiray inuu Kaga Fogaanayo Shacabkii dhistay Puntland Maal iyo Dhiig u Huray wakhtiyo badan.

Puntland waxay Hashiis aad loo Naqdiyay ay la Gashay Gal Mudug in Dhaqaalaha Garoonka Gaalkacayo iyo Cashuuraadka Bariga ay Saami Sare ku Yeeshaan Maamulkaasi Xaafad ka Mid ah Gaalkacayo Maamulo Halka aan lays waydiin Dhaqaalaha Gal-Mudug ee Dibada ka Hesho Maamulka Gaalkacayo ee dhanka Puntland Isagu Kaalin intee leg Buu ka Helayaa !!!

Mudaharaadyo Baahsan baa Gil Gilay Dhowr Bilood oo xidhiidh ah Gaalkacayo oo ah Magaalo qiima wayn Ugu Fadhida Puntland Marka loo eego Juquraafi ahaan iyo Shacab ahaanba, dadku waxay Tabanayaa in Maamulku Xooray dadkaasi iyo Gobolkaasiba isla markaana ay Dalbanayaa Sibeel dhan kasta ah Hase ahaatee cid dheg Jalaq u Siisay ma Jirto Soo Taasi Ma sahli Karayso in Maamul Goboleed Shaneeya Kuwii aan Sheegnay ee Ka Lugta Kala baxay Puntland oo kale  uu ka Abuuro Kacdoonka Shacabka Puntland hadii aan la Qancin Shacabkaasi.

 

Reer Bari hadii aan Yara Jaleecno waa dad Laf dhabar u ah Dhaqaalaha Dhan ee ay Puntand ku Dhisntahay waxa ku Taala Dekeda Kaliya ee lagu Maareeyo Horu socodka Maamulka oo dhan  Magalada Bosaaso ee xarunta Gobolka waxa ku DHaqan Shacab  Cashuuraad badan Bixiya oo Maamulka Dhanka Amaanka ka Caawiya oo Dhaqaale u Hura in La Difaaco Puntland Ma Helaan waxay Xaq u Leeyihiin Dad badan baa is waydiinaya Muxuu Qoraagan ula Jeedaa Xaqa Shacab Helo Mar hadiiba ay Lacag iyaga Bixinayaa iyo Cashuuraad? Waa Su’aal Wanaagsan Xaqooda Shacabku ay Leeyihiin waxa Ugu wayn in Cashuuraadka ay Bixinayaa lagu Sugo Amaanka in Cashuuraadka ay Bixinayaa ay ku Helaan Codkooda oo ah in Ruux ay Rabaan Shacabku Hadba Xukuumado Magcowdu.

Tusaale ahaan Gudoomiyaha Gobolka, Saraakiisha Amaanka Dhamaantood waa inay ku Iman karaan Rabitaanka Shacabka la Maamulayo ee Cashuraadkoodii  Loo Daad Guraynayo Garoowe Soo Lama Oran karo waa Dulmanyihiin Marka Islaan Qurax Ku Gadaysa Bagaash Ay Maalin kasta Si Hufan u Bixiso Cashuraadka Dowlada oo Hadana aanay Helin Wado Fiican oo Ganacsigeedu Ugu Socodo oo Hadana aanay Helin Amaan oo ay la Kulanto Boob Joogta Soo Lama Oran karo Cashuurta la Bixinayaa waa Mid aan Waajib ku ahayn Shacabka Gobolka Bari.

Gobolka Sool:- Ree Sool  oo Halganka Somaliya Kaalin Mugle ku Lahaa waa dad Sugaan iyo  Oraahyo badan laga Dhaxlay waxay Bu dhigayaal u ahaayeen Halgankii Xorinimo doonka Alle Janadii ha Geeyo Sheekh Maxamed Cabdulla Xasan waa dad aan Oran karo Mahan dad ay ku Yartahay  Wadaniyad Nimo iyo Soomali Jacayl waxaan Oran karaa Puntland-baa Garan wayday Wadadii ay u Mari Lahayd Kasbashada Shacabkaasi Puntland baa Garan wayday Dhaqaalayntii Dadkeedii la Dhisay Dhismaha Puntland ee Maanta 12- Jirsaday oo ah Mid Maanta Cadow badan leh isla markaan la Kuunyo.

Waxa Sadex Sano  Gacanta Puntland  Gobolka Sool Magaala  Madaxdiisii Laas-caanood oo Hal Bowle Xoogan u ahayd Maamulka Dhanka Dhaqaalaha iyo Xuduudaha Marka aan ka hadlayno  Soo Galintaankii Sool ee Maamulka Somaliland Waxa uu ahaa mid Keenay Kala Yaacsanaanta Maamulkii Markaasi Jiray iyo Dheg inaan Jalaq Loo Siin Oraahda Shacabka Reer Sool ee ahaa Rabitaanka PL.

Hadii Maamulkii Gen Cade Muuse Meesha ka baxay oo la Doortay Faroole Bishii Koowaad,Sanadkii 2009-  Maamulkaasi Cusub xil iskama saarin Taaba Galinta iyo Sixitaanka wixii ay Horay Maamulkii Tegay Shacabkaasi uga Tirsanayaan Hase yeeshee wuxuu Hangool Faraara dheer ku sii Riixay Shacabkaasi isaga oo ku Tilmaamay dad Nabada Diidan Dad Doonaya inay Dumiyaan PL. Taasi waxay Dhabada u xaadhay in Siyaasiyiin Puntland   Qaarkood Tartan u Galay ay Garowsadaan inay Xoreeyaan Gobolkooda Mar hadii aan Maamulkii Cusbaa ee loo Han waynaa aanu Soo celin Sool.

Xagla Toosiye oo ahaa Musharax Dhalinyaro ah oo Shacabka Reer PL Khudbadiihiisii Soo jeeteen wuxuu Tashiyo badan Ka dib Sameeyay Maamul SSC Kaasi oo Qorshihiisa Kowaad ahaa Soo celinta Sool Laakiin Pl Wax Taageero ah ma Siin Maamulkaasi SSC oo Hadii ay Puntland ku Taahayso inaanay Awood Buuran Soo celinta Sool u ahayn Maxay u Badhitaari wayday SSC oo Ula Kaashan waday Sidii Gobolkaasi Sadex Sano Maqan Loo soo celin….. Puntland waxay Falankeeda Gashay inay Af iyo Adin kula Dagaalanto Maamulkii Qorshiisu ahaa Soo celinta Gobolkii Madaxda PL Bixisay.

Waxaan Oran karaa Reer Sool Waa Laga Gar Daran yahay Maanta  Maxaa Yeelay inay Tashadaan oo Gooni Wax u Samaystaan waa ku Sax Sanyihiin.

Gobolka Sanaag Kaalinta Puntland Gobolka Sanaag waa Gobol Khayraad badan leh oo Puntland ay ku Faanto Markaan eegayno dhanka Bilicda Buuraha Calmow, Moon iyo Ul-Xeed Buuraha Daaglo Bidhaan Wanaaga Degmada Ceerigaabo, Gobolkaasi waxa la sheegaa inuu Yahay Gobolka Labaad ee Soomaliya ugu wayn Waxa ku Yaala  Gooba badan oo Khayraad ka Buuxo sida Buuraha Majiyahan Puntland wax xil ah iskama saarin qaabkii ay Qool Wada dhawaansho ah u Gashan Lahayd Shacabkaasi waxa Ku Yaala Gobolkaasi  Warshadii ugu Wayn dhanka Soo Saarka Kalluunka ee Laasqoray oo Dawlada Puntland ay Cashuur badan ka Qaado, Cashuraadkaasi Gobolka Dib Looguma celiyo Gobolkaasi Malaha Wadooyina, Malahan Caafimaad, Malahan, Jidad wanaagsan Malahan  Waxbarsho Fiican oo Maamulka Puntland ay Kaalin  Xoogan Ka Saaran tahay inay Waxaasi dhami wax ka qabtaan.

Isakadaa inay Arimaha Bulshada Horamariyaan waxa la Jaray Isgaasriintii Gobolka qaar sida Degmada Dhahar waxa La Gooyay Jidadkii aadi Jiray  Gobolka qaarkiisa wax Ooda Afka Laga saaray Cid kasta oo Damacda inay Hadasho  Soo Xaq dadkaasi umalaha inay Aayahooda ka Tashadaan Soo Dadkaasi Xaq umalaha inay  Gooni Is taagaan Mar hadii Maamulkii ay wax ku Darsadeen uu Ilaaway Mar Hadii Maamulkii ay Dhaqaalahooda Ku Bixinayay uu Garan Waayay” Barwaaqada ay Nuugayaan.

Colaada GalGala iyo Xidhiidhka Sanaag:- GalGala waa degmo Dalxiis oo ka Tirsan Bari waxay 25-KM u Jirtaa Magaalada Bosaaso Buurtaasi waxa Mudo ka socday Dagaalo Ujeedooyinkoodu ahaa  Dad Wax ka Tirsanaya Maamulka Laakiin Maamulku Ma Fahmin Xidhiidhka Sanaag iyo Kacdoonka  Bari Dadkaasi Degan GalGala ee dagaalka Puntland Kala Hor Yimi waxay Xidhiidh Ehel ahaan la wadaagaan  Dadka degan Gobolka Sanaag Kuwaasi ay ka Simanyihiin   Wax Tar La’aanta Dhanka Puntland waxaan Oran karaa Kacdoonka Buuraha GalGala waa Mid xidhiidh Fiican  la leh Bulshada kale ee Gobolkaasi Sanaag.

Dawladu waxay Si Ula kac ah u weerartay GalGala iyada oo aan Isimadii Deegaanka la Tashan iyada oo aan dadkii Masiirka PL Lahaa La Tashan Dagaalkaasi wuxuu Keenay inay Barakacaan Boqolaal Qoys ah oo Dhaqaalahoodu ku xidhnaa Beerashada Dalagyada Beeraha ee degmada Dagaalkaasi wuxuu Sababay inay Qolooyinkii GalGala la Saftaan dad badan oo Ola Buuca leh ugu Tukubayay Maamulkaasi Puntland.

Waxaan Oran karaa Kacdoonada Guud ahaan ka Aloosan Galbeedka Bari wax Bud dhig u ah Shacab La Ilaaway oo la Takooray kuwaasi oo  Ka Cadhaysan Garab Dhiibinta Maamulku uu wado.

Dilalka Masuuliyiinta Dawlada:- Tan markii la dhisay PL oo haatan Laga Joogo 12-Sano Waa Markii Ugu Horaysay oo Wasiir Lagu dilo PL Alle Naxariistii ha Geeyay Wasiirkii Warfaafinta Warsame Cabdi Shirwac [Seefta Banaanka] ayaa Gaalkacayo lagu dilay  Kaasi oo Duhur Cad ay dileen Kuwa Wax Magaratayaal ah oo Doonayay inay Shacabka Reer PL Qul Qulatooyin Galiyaan Maxaa  La Gudboonaan Maamulka PL Markii dilkaasi Miisaanka wayn Leh uu dhacay Meeshu Dilku Ka dhacay Mahan  “meel Cidlaha oo aan Maamul ka Jiraan Waa Mudug-Gaar ahaan Gaalkacayo Dawladu Cashuraad bay ka qaadaa Gobolkaasi, Duq degmaa Jira Gudoomiye Gobol oo u diiwaan Gashan Dawlada Baa Jira Saraakiil Dhanka Sirdoonka ah Baa Jira Siidee u Dhici Kartaa inaan Ilaa Haatan Cadaalada la Hor keenin Gacan ku Dhiig la Yaashii dilay Xubin Golaha Wasiirada ka Mid ah   soo Ceeb iyo Waji Gabax Kuma aha Maamulka in Wasiiradii la dilo Hadana cidii dishay aan Sharciga la Hor Keenin Soo Ceeb Kuma ahaa Maamulka inay Afka Uun ka Sheegaan “Waanu ku Raad Joognaa Kuwii Falkaasi Maleegay Kaliya”

Intaasi kaliya Mahee Caasimada Puntland oo Madaxdii dhami Joogto oo Hay’addihii Fadhi ku Leeyihiin Ayaa Lagu dilay Xildhibaan Baarlamaanka ka Tirsan” Dawladu Maxay ku Jawaabtay Wakhtigaasi “Waanu Soo Soo Qaban Kuwii Falkaasi Maleegay” Cajiib.

Sidoo kale Dhawaan baa Caasimada Puntland ee Garoowe lagu dilay Sarkaal Sare oo u SHaqayn Jiray Hay’add Cilmi Baadhis oo lagu Magcaabo ‘PDRC’ Marxuun Maxamed Ilkacase Dablay Hubaysan ayaa Laba iyo Tobankii Duhurnimo ku dishay Badhtamaha Magaalada Kooxdasia waxay  Rasaas Mudo Socotay ooda kaga qaadeen Gaadhigii Sarkaalkaasi la socday Markii ay Falkaasi Fuliyeen waxay AAdeen Meel Tuula ah oo Magaalaada Garoowe udhow, Wax Jawaab ah oo Cad Maamulku Kama Bixin Falkaasi oo ah mid aad looga Argagaxay  AAn Ahayn Sidoo Horeba Loogu Bartay Xukuumada”AA ku Raad Joognaa Kuwii  Dhacdadaasi Soo Maleegay”

Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Bosaaso Alla u Naxariistii Sheekh Maxamed Cabdi Awareoo ahaa nin Da’ah Mudona Joogay Xafiiska Salaad Makhrib ka Hor baa Bosaaso Koox Hubaysani ku Dishay Laysma Waydiin Ruux kale ayaa loo Magcaabay Xafiiskii Sidee  Kaasi ku sii Shaqaynayaa Hadii aan Kii Horeba Kuwii Dilay Cadaalada La Hor Keenin Soo Sii Sahli Mayso in Gacan ku Dhiiglihii Masuuliyiintii Hore Dilay uu Maanta Kuwan Dilo Sidee Sidee Sidee Baan Maamul u Sheegan Karaa??

Isla Bosaaso waxa lagu Dilay ilaa 2-Mudane oo ka Tirsan Baarlamaanka Puntland iyo Ganacsato, Nabadoon Caan ka ahaa Degmada iyo Saraakiil Booliska ka Tirsan Dhamaantood Looma qaban Raad cad iyada oo la Gorwsanyahay in Hadii xukuumadu ay Daacad ka tahay Inay soo qab qabato Danbiilayaasha Dhagar Qabayaasha Bulshada ku Dhex Dhuumaalaysanaya .

Dhamaan Dhacdooyinkaasi aan ka soo Sheekaynay waa wax Sida Qoraxda u Cad In Maamulku uu Ku Bariiqday wax ka qabashadooda, Wuxuu ku Mashquulay Maamulku Dhaqaalin Raadin Kaliya oo ay Geed Dheer iyo Mid Gaaban u Fuleen Madaxda Dawladu sidii ay Albaab kasta oo Dhaqaale Laga Helo Loo Garaaci Lahaa!!!!

Jaamac Ayaanle

Feyte37@hotmail.com

 

Comments are closed.