webmaster@laasqoray.net

Mareekanka iyo UNta oo dhaliilsan xil kororsiga Baarlamaanka

Baarlamaanka Federaalka ayaa laga yaabaa in lakala diro goorta uu xiligiisu dhamaado iyadoo ay xil kororsigii ay sameysteen lagu tilmaamey mid lagu deg degey isla markaana aan lagala tashan shacabka Soomaaliyeed.

Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Somalia ayaa sheegey inuu ka xun yahay qaabka xil kororsiga loogu darey Golaha Baarlamaanka Soomaaliyad iyadoo uu warsaxaafadeed loo qeyb shey warbaahinta uu ku sheegey inuu ka niyad jabsan yahay go’aanka oo isla markaana ah mid lagu deg degey.

Sidoo kale Dowlada Mareekanka ayaa gebi ahaanba kasoo horjeensadey xil kororsiga ay sameysteen xubnaha Baarlamaanka iyadoo afhayeen u hadley Dowlada Mareekanka oo lagu Magcaabo Mr Steinberg uu sheegey in xukuumadiisu ay arintaa kasoo horjeedo.

Waxaa u dheeraa Mr Steinberg inuu Xukuumada Sheekh Shariif ku dhaleeceeyey mid tayo daran oo aan waxba qaban karin isla markaana aan hawsheedii kasoo bixin.

Sheekh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaankiisa ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa iney u joogaan Dalka Somalia lacagaha deeqaha e soo gelaya iyagoo ku fashilmey sugida amniga iyo iney wax la taaban karo haba yareetee aysan qaban.

Baarlamaanka oo kuraas caagag ah weli ku fariista iyo hool qabyo ayaa mushaharkiisa ka hela UNta iyo dowladaha Deeq bixiyaasha ah iyadoo hada ay xaalkoodu uu adkaan doono waayo waxaa la waayayaa ilihii biilkooda.

LaasqorayNET-WARBAAHINTA

Comments are closed.