Nin lagu tilmaamey inuu yahay hogaamiyaha Alqaacida Bariga Afrika isla markaana ahaa eedeysanaha kowaad ee qaraxiii Safaarada Mareekanka ee Dalka Tanzania Fazul Abdullah Mohammed oo lagu diley magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia ayaa dowlada Mareekanku ku tilmaamtey iney tahay guul isla markaana ay xaqiijiyeen in ninkaasi dhegta dhiiga loo darey
Xoghaya Arimaha dibada dowlada Mareykanka haweyneeda ee Hillary Clinton oo la hadashey warfidiyeenada caalamiga ah ayaa sheegtey in Dowladeedu ay soo dhoweeneyso dilkii Fazul Abdullah Mohammed isla markaana haweenaydu ay intaa ku dartey in awoodii Alqacida ee Bariga Afrika ay wiiqdey.
Qaraxyadii gil giley caalamka isla markaana lala beegsadey safaaradaha Mareekanka ee ay ku kala lahaayeen magaalooyinka Dari Salaam iyo Nairobi ayaa waxaa eeda dusha looga saarey ururka Alqacida iyadoo hore ay Dowlada mareekanku u dishey ninkii ay ku eedeeyeen inuu ka danbeeyey qaraxii safaarada Mareekanka ee Dalka Kenya.
Dilka Fazul ayaa waxaa ay Dowlada Mareekanku ku amaantey Dowlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyadoo ay dowladu dagaalo kulul la gashey ururka uu martida u ahaa Fazul ee Alshabaab inkastoo Fazul lagu diley goob uusan sidaa dagaal xoogani uga dhicin oo xigta dhinaca koonfureed ee magaalada muqdisho ama ex Control ee Afgooye.
LaasqorayNET-Muqdisho
