Wararku sida ay nagu soo gaarayaan ayaa waxaa dhacdey in baabuur ku socdey Magaalada Dhahar jidka ay u galeen kooxo hubeysan iyadoo halkaasi ay ka dhacdey israsaaseyn oo ay wax ku noqdeen dadkii saarnaa baaburka.
Sida lagu soo waramayo cida weerarka geysatey ayaa waxay u fikadeen dhinaca magaalada Qardho iyadoo ay degmada Dhahar ciidamo ku sugnaa ay u ruqaansadeen goobtii ay israsaaseyntu ka dhacdey isla markaana daba galey dableydii hubeysneyd.,
Sida ay faafisey idaacada Dhahar ayaa waxaa dadkii dhaawaca soo gaarey ay gaarayeen 3 qof oo uu ku jiro dareewalkii gaariga wadey isla markaana dhaawicii la geeyey cisbitaalka Dhahar.
Arintan dhacdey ayaa loo maleynayaa iney ku daba jirto colaada dheeraatey ee beelaha Qardho iyo Dhahar oo in mudo ahba xurguguf ka dhexeeyey iyadoo in mudo ahba la isku deyey in nabad waarta laga dhex dhaliyo beelahan walaalaha ah.
Hase yeeshee nabadeyntii laga dhex wadey beelahan ayaa dhowr jeer fashilantey iyadoo loo sababeeyey dhowr arimood oo ay ugu horeyso dhul riix ay ka cabanayaan beelaha Dhahar dega iyo dhuxusha laga shido soolaha Dhahareed oo inta badan la joojiyey hada.
LaasqorayNET-Wakaaladaha wararka
