webmaster@laasqoray.net

Mas’uul ka mid ah Madaxda Sare ee UN-ka oo timid Puntland

Waxaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegneyd 2da bisha 2aad ee Sanadakan 2011ka soo gaarey Magaalada Garowe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed wafdi ay hogaamineyso Valerie Amos oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (UN-ka) u qaabilsan Arrimaha Bini’aadanimada (UN Under-Secretary-General for Humanitarian Affairs).

Waftigaan ayaa ka koobnaa 10-xubnood uu ka mid yahay Mr. Mark Bowden oo ah Iskuduwaha Arrimaha Bini’aadanimada u qaabilsan Somalia waxaana wehliyey saraakiil UN-ka ah oo fadhigoodu yahay magaalooyinka Garowe iyo New York.

Wafdigaan ayaa booqasho gaaban ku yimid Puntland iyagoo la kulmey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo warbixin kooban usoo bandhigey Mas’uuliyiintan booqashada ku yimid ayaa ka Hadley arrimo badan oo ay ka mid yihiin: Amniga; Abaaraha; Xaalada Barakacayaasha (IDPs); iyo mowqifka Puntland DFKMG ah iyo arrimaha dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

Kulankaan waxaa sidoo kale hadley Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen.Cabdulahi Jaamac Ilkajiir; Wasiirka Maaliyada Farah Ali Shire; iyo Wasiirka Haweenka Caasha Geele, kuwaasoo gabigoodu ka tirsan Guddiga Abaaraha Puntland (Drought Task Force).

Kadib kulankaan ayaa waxaa shir jaraa’id irrida hore ee Hoolka Shirarka Madaxtooyada Puntland si wadajir ah ugu qabtey Madaxweynaha Puntland iyo Ku-Xigeenka Xoghayaha-Guud ee UN-ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu mahad-celiyey imaatinka waftigaan isagoo xusey iney booqashadooda ku gaareen Kenya iyo Puntland si loo qiimeeyo xaaladaha bini’aadanimo.

Valerie Amos ayaa dhinaceeda sheegtey iney ku faraxsan tahay booqashadeeda Puntland iyadoo ku dhawaaqdey in UN-ka ugu talagaleen wax ka qabadka abaaraha Somalia iyo tageerada dadka barakacayaasha ah lacag dhan 4.5 million dollar.

Ugu dambeyntii, Wafdigaan oo ay weheliyeen suxufiyiin caalami ah ayaa kormeer kusoo marey xeryaha barakacayaasha ee duleedka Garowe iyo dadka abaaraha saameeyeen.

LaasqorayNET+Wasaarada Warfaafinta Puntland

Comments are closed.