webmaster@laasqoray.net

Masuul sare oo wasaarada Cayaaraha DKMG ka mid ahaa oo la cayrshey

Wasaaradda shaqada ,shaqaalaha,dhallinyarada iyo sportiga dowlada KMG ah ee Somalia  ayaa sheegtay inay shaqo joojin ku sameeyeen  sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray wasaarada islamarkaana hore ugu joogi jiray dalka Kenya, iyagoo faahfaahiyey sababta keentay shaqo joojintaasi kuna tilmaamay inuu musuqmaasuqay shaqadii ku aadanayd ee uu masuulka uga ahaa wasaarada kuna tagri falay  qarashaadka wasaarada uga qayab geli lahayd shirka Qarammada Midoobay ee Geneva ka socday.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada ,shaqaalaha ,dhalainyarada iyo sportoga Aweys Sheikh Xaddaad oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada muqdisho ayaa sheegay inay si qaldan u dhacday inuu sarkaalkan musuqmaasuqa sameeyey oo lagu magacaabo c/rashiid salad  inuu shirka uga qayb galo wasaarada shirka Geneva islamarkaana loo baahnaa inuu wasiirku uga qayb galo shirka wasaarada iyadoo ay dhacday dhaqaalo xumo sidaasna uu ku baaqday wasiirku taasina ay u sahashay in ninkani si qaldan uga qayb galo shirkaasi

Sidoo kale Agaasime xadaad ayaa intaasi ku daray in si lama filaan ah ay ku noqotay in C/rashiid Salaad oo ka mid ahaa sharaakiisha sar sare ee  wasaaradda uu qaab is-xambaar ah uu ku waday dad uu ku sheegay inay ka socdeen wasaaradda shaqada isagoo dhaqaale ka qaatay islamarkaana sidaas ku qaaday intaas kadibna ay wasaaradu go,aan ku gaartay in sarkaalkan lagu magacaabo c/rashiid salad xilka lagaga qaado  .

“Wasaaraddu waxay go’aan ku gaartay in shaqada laga qaado C/rashiid Salaad ayna ku wargeliyaan Paul Crook inuusan shaqsigaas iyo shaqsiyaadka kale aysan metelin xukuumadda Soomaaliya iyo wasaaradda, waxaana laga joojiyay inuu shirka ka qaybgalo,” ayuu yiri agaasimaha guud.

Aweys xadaad ayaa ugu dambayntii daboolka ka qaaday in dowlada KMG ah ee Somalia ay ka shaqeynayso sidii dalka dib loogu soo celin lahaa si sharciga loo horkeeno iyo in laga joojiyo isticmaalka baasaboorka dublamaasiga ah ee uu wato.

Y M, LaasqorayNET

Comments are closed.