webmaster@laasqoray.net

Masuuliyiin DKMG oo gaarey degmada Dhoobley oo ay dhowaan la wareegtey Dowladu

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada ku meel gaarka ah ayaa maanta soo gaarey Degmada Dhoobley iyadoo ay weheliyeen ciidamo fara badan oo kasoo ruqaansadey Degmada Beled Xaawo iyadoo xoojinayaan ciidamada Dowlada kumeel gaarka ah.

Wasiir ku xigeenka Difaaca Mudane C/rashiid Maxamed Xidig ayaa kasoo ruqaansadey Degmada Beled xaawo oo ay dhowaan la wareegeen ciidamad Dowlada ku meel gaarka ah.

Dhoobley oo ay dagaalo ba’ani ka dhaceen dhowaan ayaa hada waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Huwanta ah oo ka kooban xerta ama Suufiyada, kuwii Sheekh Axmed Madoobe oo la baxay Raaskaambooni iyo kuow beeleedyo laga keeney Dalka Kenya.

Dowlada ku meel gaarka ah ayaa dagaaladii ugu danbeeyey ku gacan sareysey iyadoo goobo ay ka mid ah Muqdisho iyo gobolada xuduudaha xiga ay la wareegeen sida Luuq iyo Beledxaawo oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Dhoobleydan.

Dagaalada Jubooyinka ayaa laga yaabaa iney dib uga qarxaan Degmada Afmadow oo ay hada ku sugan yihiin ciidamada Alshabaab iyadoo yoolka Dowladu ay tahey sidii ay ula wareegi laheyd Kismaayo oo ah xarunta Gobolada Jubada Hoose.

LaasqorayNET-Dubai

Comments are closed.