Kharduum: Habeenkii Shalay ayaa dhallinyaro fara badan oo saxiibo iyoisku lodba ay ahaayeen, Madaxda Jaamacadda Afrika ee Caalamiga ah iyoborofisarro la niqaashayey ay xaflad ugu qabteen isla jaamacaddaAfrika ee Caalamiga ah Maxamed Siciid Faarax oo ka mid ah ardaydiiugu horreysey ee ka qalin jebisa dugsiga sare ee Al-Furqaan.
Maxamed Siciid wuxu shahaadada jaamacadeed ee kowaad (degree) kaqaatay jaamacadda Afrika ee caalamiga ah isaga oo bartay cilmigaqaanuunka (LAW)ga , waxana la filayaa inuu sanadkan gudihiisa bilaaboshahaadada labaad ee masterta haddii ilaahay idmo.
Ururka ardayda Sanaag ee dalalka Suudaan, Malaysiya, Ugandha,Ithopia , Yemen , Masar , Hindiya iyo Kenya waxay hanbalyo u dirayaansaaxiibkood Maxamed Siciid oo ah nin dhallinyaro ah oo si weyn looguxasuusto dadaalkiisa aqooneed iyo firfircoonidiisa dad dhexgalba.
Waxa uu madax kasoo noqday ururka horumarinta ardayda Sanaag ee markala soo gaabiyo loo yaqaan SSDO , wuxuna fuliyey mashaariic badan oodhallinta waxtar u leh.
Sidoo kale waxa hanbalyo taas la mid ah gaadhsiinaya Maamulka, bareyaasha iyo ardayda dugsiga Al-Furqaan ee ku yaal magaalada Badhanee gobolka Sanaag / PL.
Maxamuud Ciyoon / Badhan


