Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha xukuumadii madaxwayne Rayaale Maxamuud Siciid Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland ay wakhtigan xaadirka ah ku sugan yihiin ciidamo calooshood u shaqaytayaal ah oo u ka soo jeeda South Afrika oo tiradoodu gaadhayso 250 nin, isla markaana wata hub casri.
Maxamuud Siciid Maxamed waxa uu intaa ku daray in calooshood u shaqaystayaashasi ujeedada ay halkaa u yimadeen ay tahay sidii ay u difaaci lahaayeen goobaha maamul goboleedka Puntland uu ku doonayo in uu shidaal iyo macdan ka qado, deegaanada Sanaag oo ka tirsan Somaliland, taas oo uu sheegay in maamul goboleedkaas ay ka caawinayso baadhista khayraadkaas shirkad laga leeyahay dalka Kuwait oo magaceeda la yidhaahdo Kuwait Energy.
Wasiirkii hore ee ciyaaruhu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay khadka telifoonka ugu waramayey wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan caasimada ee Hargeysa, ayaa sidoo kale waraysigiisaa waxa uu kaga hadlay in ay nasiib daro tahay in Garaado ka tirsan madaxdhaqameedada reer Garoowe ay ku gorgortamaan xalinta dirirtii labada beelood ee walaalaha ah dhawaan ku dhexmartay deegaanka Kalshaale, taas oo uu tilmaamay in ay xukuumada Somaliland ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xalinta dirirtaas.
Ugu horayna isaga oo ka hadlaya ciidamada calooshood u shaqaytayaasha ah ee ku sugan magaalada Boosaaso, waxa uu yidhi “Caawa Boosaaso waxa jooga 250 nin oo reer South Africa ah, oo ah raga la yidhaa Calooshood u Shaqaystayaasha, oo sita hub casri ah, waxay keeneen 120 baabuur oo 60 yihiin gawaadhida Laankuruusalada ah ee FWD ee Cabdi Bile-yaasha Somalidu u taqaano, waxa ku jira 40 baabuur oo ah kuwa waawayn ee wax lagu raro, waxa kale oo ka mid ah 20 Cagafyada waawayn ah, dhamaan agabkaas oo dhami maanta waxay yaalaan Boosaaso”.
Isaga oo ka hadlaya hub iyo saanad Puntland ugu yimid Yemen, waxa uu intaa ku daray “Todoba Cisho hortood waxa uu hub uga yimid Maamul goboleedka Puntland dalka Yemen, hubkaasi waxa uu iskugu jira, Madaafiicda buuraha lala dhaco ee buuraha u khaaska ah, laakiin waxaan la garanayn in ay dawlada Yemen ku caawisay iyo in uu u soo maray, waxa kale oo jira warar sheegay in shirkadaasi u soo iibisay, kharashka ku baxaya iyo hawlaheeda oo dhana shirkada Kuwait Energy oo reer Kuwait ah ayaa bixinaysa, ilaa Amiirka dalka Kuwait ayaana wax ka og arimahan, hawshaa ninka dhexdhexaadiyey ee isku duba ridayna waa nin Maraykan ah, imika hadii aad gasho Webka Association Press waxaad ku arkaysaa Faroole wiil uu dhalay oo jooga Maraykan waraysi uu siiyey oo kuuga hadlayo arimahaas oo dhan, oo uu kaga hadlayo ciidamadaasi in aanay ahayn kuwo la dagaalamay Burcad-badeed ee ay yihiin rag qodaya Macdan, waxa uu carabaabay wiilkaasi kharashka ku baxaya arintan oo leeyahay waxa bixisay dawlad Carbeed oo aanu magaceeda sheegin”.
“Shalay iyo Maanta Laasqoray iyo Ceelaayo dhexdooda laba meelood oo la yidhaa Hays iyo Cad Cado ayey cabiranayeen meelihii ay xeryaha ka dhigi lahaayeen ciidamadaa calooshood u shaqaystayaasha ah oo wata qoryaha diirada leh ee meesha fog wax lagaga toogto, waxa kale oo ay u bandhigeen 600 nin oo wajiga koobaad ah oo hada tababar u socda oo ka soo jeeda qabaa’ilka Puntland daga, dhamaantooda dadkaas oo dhami waxay u socdaan waa macdantaa iyo khayraadkaas uu Alle ku manaystay, deegaankaas ay damacsan yihiin in ay fadhiisimada ka dhigtaan ee Laasqoray iyo Ceelaayo u dhexeeya waa laba meelood oo Istaraatiijiya oo Somaliland ugu taariikhwayn uguna magacwayn inay baadhaan ayey doonayaan, dagaalkii Gal-gala ka socdayna sidaan hore u sheegay muu ahayn Argagixiso iyo waxaas ee mihiimadii loo socday waxa uu ahaa Macdantaa iyo khayraadkaas”.
Wasiirkii hore ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed mar uu ka hadlayey madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland, waxa uu yidhi “Ninka Faroole la yidhaa hawsha uu ku jiray in mudo ahba waxa weeyi dhulka ka soo bilaabma xadkeena oo Ceelaayo ah ilaa xaga galbeedkana Laasqoray gaadhay, dhulkaas Gubanta la yidhaa ilaa buuraha Gal-gala ee dagaaladu ka dhacayeen, dhulkaasi waa dhul lagu yaqaano khayraadka macdanta noocyadeeda kala duwan iyo Bartrol intaba, marka laga soo bilaabo maamuladii isaga ka horeeya ee C/laahi Yuusuf, Cadde Muuse iyo Faroole-ba intuba waxay ku dagaalamayeen inay meeshaa qotaan, boqolaal shirkadood ayey heshiis la galeen, shiradii ugu horaysay ee ay heshiiska la galeen waxa ay ahayd shirkada reer Australia ah, Haatuf oo ah jariirada aad hada ka socoto ee aad ka tirsan tahay (wariyaha waraysiga qaadayey) waxay ahayd Jariidadii nagala shaqaysay, oo habeen iyo maalin bulshada u soo bandhigi jirtey, waxa kumanaan jeer warar ka qoray arimahaas Guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo ninka la yidhaa Cabdifataax Caydiid ee ka tirsan hada Haatuf-ta Ingiriisiga ku soo baxda ee Somaliland Times-ka, runtiina anagu Information-ka ayaanu siin jirnay iyaguna xogta oo dhamaysiran ayey soo gudbin jireen, geed dheer iyo geed gaabana way u koreen arintaas. Shirkadaas markeedii hore waxa soo kaxeeyey oo Australia ka soo kaxeeyey ninka maanta madaxwaynaha ka ah Puntland, hadana waxa wada shirkadaas wiil uu dhalay Faroole, markii shirkadaa dhibaato ka soo gaadhay shidaal ka qodistii ay isku dayday ee deegaankaas, waxay heshiis la gashay shirkad kale oo la yidhaa African Oil, shirkadaasna waxa laga leeyahay South Africa, waxa kale oo qayb ka mid ah heshiiskaas la gashay shirkad kale oo reer Kawait ah, waxa kale oo ay shirkadaasi African Oil ee reer Sout Africa keeneen ay soo kiraysaytay shirkad kale oo ay yidhaahdeen waxay dhisayaan ciidamada la dagaalanka budhcad-badeeda, waanu haynaa heshiisyadii waanan soo bandhigi doonaan dhawaan”.
Mar uu la hadlayey xukuumada Somaliland iyo waxa kala gudboon arimahaas macdan qodista deegaanka Sanaag bari, waxa uu yidhi “Waxaan baaq u soo jeedinayaa Dawlada Somaliland oo iyadu hada xilka dalku saaran yahay oo aan leeyahay waar ha dhayalsanina, anaguna gacan wayn ayaanu siinaynaa mid beeleed iyo mid dagaanba, waxaanan mar labaad ugu baaqayaa xukuumada Somaliland in ay dalka iyo dadkaba u badbaadiyaan Khayraadkaa la bililiqaysanayo”
S: Arintan hada la sheegayo ee la leeyahay Laasqoray ayey maamul goboleedka Puntland Dekad ka dhisayaan, taas oo la sheegay in dawlada Kuwait ka caawinayso, arintaasi maxaad kala socotaa?
J: Arinta la leeyahay Dekad ayaa laga samaynayaa Laasqoray waa wax dadka la maqashiinayo, waana meesha dadku u jihaysan yihiin ee laga soo galayo, arintaasina waxay iila muuqataa oo aan waliba xogogaal u ahay in ay tahay arin dadka lagu soo galayo, si looga faa’idaysto baahida ay u qabaan Dekad inay helaan reer Laasqoray.
S: Safarka madaxwayne Axmed Siilaanyo ee England oo la sheegay in waxwayn uu ku soo kordhiyey xidhiidhka Ingiriiska iyo Somaliland, sideed u aragtaa?
J: Xisbi ahaan Arintaas waanu soo dhawaynaynaa, Ilaahayna waxaanu ka baryeynaa in uu ku soo guuleeyo. Waayo waxay noqonaysaa guul Somaliland oo dhan u soo hayatay,marnaba kama xumaanayno anaku, nimanka maamulka hada haya wakhtigii ay mucaaridka ahaayeen waxaanu anagu kaga duwanahay, waxaanu garanaynaa dhibta ay dawladnimadu leedahay iyo culayskeeda, waxaanu garanaynaa in sida wax loo dumiyaa in ay fududahay laakiin sida wax loo dhisaa ay adagtahay.
S: Safiirka Somaliland ee Kenya Indha-buur waxa uu soo bandhigay lunsi hanti ummadeed oo uu ku kacay wasiirul maaliyihii xukuumada Rayaale (Cawil) arintaas siday kuula muuqataa?
J:Xogogaal ayaa la iskugu garnaqaa, anigu intii aan ka mid ahaa xukuumadii hore ee Somaliland, ma filayo in lacag badan oo dhul lagu maalgaliyo in cidi qaadatay. Anigu inkasta oo aanan arintaas xogogaal u ahayn hadana waxaan aaminsanahay, in ay tahay arimo siyaasadeed oo lagu xumeynayo wasiirkii hore ee Maaliyada oo tahay dagaal ay kula jiraan cid ay ishayaan. Wasiirul maaliya waad ogtahay oo mar walba waa laga cawdaa, wasiirka hada ee maaliyada Maxamed Xaashi oo dadaalaya hada waad arkaysaa dad ka cabannaya, safiirku barigii horena waxa uu qoray guryuu halkan ka iibsaday, laakiin waxaan u arkaa arintaa mid safiirku ku xumaynayo sumcada wasiirkii hore ee maaliyada.
S: Ma la qabtaa Dadka aaminsan in xukuumada Rayaale ee aad ka tirsanayd ay xukuumada hada ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ay kaga horaysay arimaha Ictiraaf raadinta iyo guud ahaanba siyaada arimaha dibadaba, arintaasi ma kuu muuqataa?
J: Dawladii aan anigu ka mid ahaa ee Rayaale min Ceelaayo ilaa Saylac dalka midnimadiisu way sugnayd, Buuhoodle-na inoomay fadhiyin nimanka la yidhaa SSC, waxa nasiib daro in Garaadada Reer Garoowe ahi intuu yimaado Buuhoodle Geesinimadiisa uu ku gorgortamo oo uu yidhaa anagaa wadna hawsha, ma dhici jirin in Puntland iska cabirato dhulka Somaliland oo marka doontana iska soo gasho.
S: Sidee ayaad odhan lahayn ha u abaarto xukuumadu arinta jabhada Somaliland diidka ah ee SSC?
J: Waxaan jeclahay oo aan kaa codsanayaa in aad arimaha siyaasada dib inoogu dhigto, arin qaran ayaan ka hadlayey oo aad iga waraysatay?
S: Waxa jira arin muran wayn ka taagan yahay oo aad mood in ay ku kala aragti duwan yihiin xukuumada iyo Culimo awdiinka dalku, arintaas oo ah nin Jarmal oo la sheegay in uu sameeyey falal ka soo jeeda diinteena Suuban ee Islaamka, arintaasi siday kuula muuqataa?
J: Shaki Yaqiin ayaa ka roon, ninkaasina dalkeena yuu joogay, sida aan warbaahinta ku arkayna ninkaasi wuu inala xididay, maanta muwaadin xuquudiisa ayuu leeyahay, laakiin waxan la sheegayaa hadii ay jiraan waa arin ceeb ku ah diinteena iyo dalkeenaba, iyada oo aan la buunbuunin oo aan laga dhigin arin ay ka faa’idaystaan Al-shabaab iyo kuwa la halmaala ee cadawgeena ahba, waxaan qabaa maadaama oo uu ninkaas Jarmalka ahi yidhi waan muslimay sharciga ugu adag ee diintaanu jidaysay ha la mariyo.
Xigasho Haatufnews

December 7, 2010 at 3:59 pm
wasiirka gaashan dhiga somaliland maaha reer maakhir halala xisaabtamo dadkii xilka u dhiibay
December 7, 2010 at 8:37 am
waxaan kaxumahay in magacyga lagu been abuurto,samatar ninka layiraahdona waxaan kuleeyahay waxaan filayaa inaad tahay ninka magacayga isticmaaley aad ayaana uga xumahay
waxaana kuusheegayaa koleyba caadaqaatayaasha dhulkoodii gubay ayaad kamid tahay,ama way kusoo dirsadeene maaha
maxamuud siciid nin waxaa la orankaro waana muwaadin kadhiidhiyay,dhibaatada dakiisa lagu hayo, maxamuud siciidna koley adiga iyo qayrkaagu ku aadi maysaane,marba meel ugu soo gabada, laasqorey net waxaan leeyahay waxaan ini kacodsanayaa inaad qoraalkaa qaldan iga saartaan waana mahadsantihiin asc wwb
December 7, 2010 at 8:28 am
aad waxaan uga xumay been abuurashada cad oomagacayga lagu samaynayo,maxamuud siciid waa muwaadin kadhiidhiyay
waxa dadkiisa iyo dalkiisa lagu samaynayo,waana kaxumahay in magacayga lagu been abuurto,waxaana leyahay ninka samatar
layiraahdow adiga iyo caadaqaatayaasha dadkoodii iyo dalkoodii gubay ayaan wax kasheegi lahaa hadaan cid wax kasheegayo,qolada laasqoreyna waxaan leeyahay waxaan marlabaad ini kacodsanayaa inaydan magacyga qofka sida qaldan uisticmaaley aad baartaan meeshuu joogo hadii kale waxaan uarkayaa in qolada webkan qoraa magacyga isticmaaleen,aad baan uga xumahay in magacyga cid wax lagu yeelo,halays ixtiraamo ooyaan magacyada dadka laisticmaalin ayaan leeyahay.
December 7, 2010 at 1:39 am
Xuub Daahir Aadan Aad baan kuu salaamay runtii salaam sharaf Badan salaam kadib
Xuubow maxamuud Siciid waa ninka aad taqaan Ana sida aad utaqaan baan u aqaan kuwaad leh
maxamuud siciid waa kuwo ka liita waa kuwo ay
iskaga qaldan yihiin danta dadkooda iyo qof nacaybka hada maxamuud siciidna waxa inagaga filan Gabadhii uu Abtiga u ahaa ee Waraanuhu ku Hiigayey Dushiisa
Waxaase sifo fiican ka bixiyey Xuub Daahir
Salaama
December 6, 2010 at 11:55 pm
waar horta wax reer maakhir la yidhaa maahan wax jira. kolkeeda hore umadu tagitaankii puntland way ku kala qaybsanadee yaah dad gaar ah ayaa puntland doonayay iminkana kuwii baa kolkay fashilmeen la yimi sheeko somaliland lagu xaqirayo. ninkani somalilander dhab ah warsengeli ahaan kala badh ayaa somaliland ahayn halka ay kala badh ahaayeen somalia. dee badhkii somalia ayaa umadan u awoodsheegtay ee wax kolkeeda hore warsengeli udhama may ahayn ee umadan xoog baa lagu haystay oo badhkii kale ayaa majeerteen inoo soo kaxaystay oo awood nagu qabsaday laakiin waxaad ogataan wax maakhir la yidhaa hirgali mayso sidoo kale puntland deegaanadan ku waari maayane iska socda. somaliland isaaq uma ahan gaar ee waa wax umada u dhaxaysa iskana wada riyodiinii somaliweyn ee laga guuray iyo riyadiinii ahayd beelnimo. waayo kolkaad ku guul daraysateen inaad deegaanadan ka hirgalisaan somaliweyn baad qaab beleed ula dhaqaaqdeen dee wataas idinku fashilmatay maakhirtana kuwii meesha ku ceeboobay ayaa maantana wata umadana masiirkeeda hortaagan oo xoog ku haysata yaah somaliland banu ahaanaynaa weligeen waxna inaga qaadi maysaanee yaah bal somaliland hasoo jeedsato dowladuna si fiican ha idiin aragto kolkaas baad meeshan ku kala yaaci doontaane hir kala dhaha.
December 6, 2010 at 7:57 pm
ujeedo been abuurasho anigoo ah abdulqaadir dahir waxaanaad ua xumahay in magacayga loo isticmaalo aflagaado shakhsi waa maxamuud siciid oo aan wax dhib ihi nagaq dhexayn
marka laasqoaray net waxaan fadlan weydiinayaa inuu raadsho qofkaa iga been abuurtay marka qofka ku been abuuranaya magacyada dadka in lqa radsho waayo laasqoarayb net waa ogan kartaa e mail ka qofka .
by bdulqadir dahir aden
December 6, 2010 at 7:24 pm
Waligay marna maan qiyaasin kan oo kale ayaa warsengeli ka dhasha. Warsengeli gob ayaa lagu yaqiin iyo garaaddee maxamuud Siciid muxuu ahaa? waligay mamaqal mana arag warsengeli kaas oo kale ah. Daarood ka kale haa, laakiin Warsengali maya. Malaha waan laga warqabine wuu dawaqsanyahay, haddii kale waa haboow. War walaal min fadlan waxa meesha ka saar
December 6, 2010 at 6:11 pm
maxamuud siciid horta waa kuma?
maxamuud saciid waa maskiin aan caqli badnayn maskaxdiisuna waa mid maran oo faaruq ah waa nin aad u cuna jecel had iyo jeerna qaata sandareerada aan micnaha wayn lahayn,maxamuud saciid waa dabadhilif damiirlaawe ah dad iyo dal midna dan uma hayo waa caade qaate cadkii xun oo loo tuuro aan diidin waxaa marag u ah dowladii riyaale waxaa loo magcaabay wasaarad aanba kaba jirin somaliland waxaana loogu yeeri jiray wasiirka cayaaraha! waxaa kale oo xusid mudan inantii uu abtiga u ahaa ee ku socotay gurigiisa kuna khaldantay guriga madaxwayne ku xigeenka ee inta xabsiga lala tegay lixbilood lagu faraxumaynayay kana damqanwaayay maxaad oranlahaydeen??? jawaabta akhristayaasha ayaan u daayay,waxaan qabaa warsangeli hadaynu nahay aynu iskuxishoono oo yaynaan website yadeena kusoo qorin waxaasoo kale iyo lamid ah magaceena aynu ilaashano fadlan.majeerteen waa wada dhalanay dhib iyo dheef waxaynu kamudanaba waa wada degnaa ehelbaynu nahay kamana maaranee yaynaan is xasaradayn baan oranlahaa,maxamuud siciid wuxuu laqaylinayaa cad quureedkii ayaa siilaanyo siinwaayay marka waa xagaaga halasoo eego oo cadquureedkii hala ii soo tuuro,
December 6, 2010 at 12:33 pm
hortu su aasheydu waxay tahay warsangali ma puntland baa mise soomaaliland hadii taa la iiga jawaabo waxan hayaa sheeko dheer
December 6, 2010 at 8:56 am
War waxaan idiin sheegayaa waxaad iska dhigtaan niman neceb in loogu yeero Sanaag Bari, hadda kuwo idin kamid ah oo madax sheeganaya ayaa soo qoraya, website yada sanaag laga leeyahay oo dhanna waxaay soo galinayaa qoraalo rag dhahaya Sanaag Bari, Walee Tolka markii aad aragtaan waad dhiiran tihiin shisheeyahana markaad la joogtaan amase ka maqan tihiin waad u dabacsan tihiin.
December 6, 2010 at 5:51 am
war ninkaan afdhabaq waa daba dhilif isaaq hadii uu muwaadin yahay isaaq madaba joogeen ee wuxuu u ololeynlahaa maakhir tuusele ahaan hadii maanta isaaq qodan lahaa macdanta wuu soo horboodilaha sida aad ka aragtaan cabsanaanta isaaqiisamka ama snm ta markaaa haku sasina nin reer dabadhilif u ah hadalkiisa hana u riyaaqina ilaa aad aragtaan mid isagu reer maakhir ku kooban
December 6, 2010 at 2:10 am
waa in dowlada somaliland ay talaabo ka qaadaa maamulka qabyaalada ku salaysan ee majeerteenia. sidoo kale waa in ay jamhuuriyada somaliland ilaashataa xuduudeeda qaran. somaliland waa in ay soo noolayso difaacii qaranka somaliland. sanaag bari iyo sool waa somaliland ee maahan puntland dadka degaa asal ahaan isku tol ayay yihiin majeertenia balse juqraafiyan waa somaliland. soomaliland waa in ay u dagaalantaa xuduudeedii ay 26ka june xoriyada ku qaadatay. somaliland ha toosto oo cadowgeeda ha aragto. siilaanyo muxuu sugayaa ma inta khayraadka ku jira carada somaliland ay beeshaasi xadayso miyaa. walee dowladan waxaa kaga fiicnaa arimahan tii ka horaysay oo ilaalin jirtay amniga dalka somaliland.
December 7, 2010 at 3:48 pm
isaaq fuck dheh sanaag no sanaag beri ilaa inta kale ayeeyada ma degto e weligiin dhul aydin lahayn waa isku dhejin jirteene