webmaster@laasqoray.net

Maxkamad Ku Taalla Norway ayaa Siidaysay Nin Soomaali ah Kadib Markii Danbi Lagu Waayey.

Maxkamad ku taalla Magaalada Oslo ee xarunta Dalka Norway ayaa danbi ku wayday nin Soomaali ah oo ay horay Booliska Dalkaasi ugu eedeeyeen in xiriir la leeyahay Xarakada Al shabaab isla markaana lacago u diri jiray.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la xiray bishii Augost ee aan kasoo gudubnay waxayna Booliska Dalka Norway ku eedeeyeen in uu Dalka Soomaaliya u diray lacag aan caddaadeeda lasoo bandhigin, sidoo kale lama shaacin magaca ninkan hase yeeshee waxaa la sheegay in uu jiro 40-sano.

Maxkamadda ayaa ninkan ku ganaaxday in uu bixiyo lacag gaaraaya $1,650-doolarka Maraykanka isla markaana u dhiganta 10,000-kroner oo lacagta dalka Norway si ay Maxkamaddu usii dayso isaga oo xirnaa muddo saddex bilood ah.

Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan lagu haystay lacagaha uu u diray Soomaaliya in uu ula jeeday in dalka Soomaaliya looga saaro Ciidamada Itoobiya xilligii ay Soomaaliya ku sugnaayeen sanadahii 2007- ilaa 2008-dii.

Waa markii ugu horaysay oo maxkamad ku taalla Dalka Norway ay danbi ku waydo ruux Soomaali ah oo lagu soo ogay danbi ah xiriir la lahaanshaha Xarakada A shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.

Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.