Dhanbaal kasoo baxay xafiiska ururka ay ku bahooben dalalka Qaarada Afrika ee Midowga Afrika ee ku yaala magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa qeexay fariin cad oo ay direen ururka Midowga Afrika oo ku aadan iney ka hortagayaan Dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Alshabaab.
Dhanbaalka ayaa sidoo kale waxaa lagu balan qaadey in ciidamada tirada yar ee Afrikaanka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho la xoojin doono isla markaana dalka la keeni doono ciidamo dheeraad ah oo Afrikaan ah.
Dhanbaalkan ayaa waxa uu soo baxay kadib dagaalo isdaba joog ah oo ka soconayey xarunta Dalka Somalia ee Muqdishu isla markaana ay kala adkaan waayeen ciidamada Afrikaanka ah ee hada ku sugan iyo xoogaga Alshabaab.
Ciidamada Afrikaanka ee hada ku sugan Muqdishu ayaa waxaa xusid mudan iney ka socdaan dalalka Ugandha iyo Burundi oo keliya iyadoo balan qaadyadii ay bixiyeen dalal badan oo Afrikaan ah noqdey mid aan meel marin.,
Wax war ah weli kama soo uusan bixin Dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia iyadoo ay iyadu isku mashquulsan tahey oo dhexdeedu khilafi jiro.
LaasqorayNET-Adis
