webmaster@laasqoray.net

Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Oo Ku Xusay Magaalada Muqdisho Maalinta Macalinka Aduunka

Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo lagu xusayey maalinta macalinka Aduunka ayaa ka dhacday magaalada muqdisho taasoo ay soo qaban qaabiyeen midowga ardayda gobolka banadir ee fadhigoodu yahay magaalada caasimada ah ee muqdisho
Gudoomiyaha midowga ardayda gobolka banaadir Carafaad cabdilaahi cabdi oo ka qayb galay munaasabada xafladaasi ayaa sheegay in macalinku yahay laf dhabarta bulshada isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in macalinka soomaaliyeed la oran karo waa kobciyaha ama aflixiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed
Sidoo kale gudoonka midowga ardayda gobolka banaadir ayaa ku nuux nuuxsaday sida ay macalimiinta soomaaliyeed ugu dadaaleen inay xiligan adag ee lagu jiro ay aflixiyaan kumanaan arday ah oo noqon kara mustaqbalkii dalka soomaaliya
Carafaad cabdilaahi cabdi ayaa gebagebadii hadalkiisii ugu tacsiyeey macalimiintii soomaaliyeed ee ku geeriyooday dagaalada iyo dhibaatooyinka ay keeneen colaada iyo xiisadaha ka jira gudaha wadanka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho

Si kastaba ha ahaatee xafladan lagu xusayey maalinta macalinka oo ay soo bandhigeen midowga ardayda gobolka banadir ee magaalada muqdisho ayaa ahayd tii ugu horaysay ee ay soo bandhigaan  miqdowga ardayda gobolka Banadir.

SAWIRO KALE

Faytin Yaasiin

yaasiinfaytin@hotmail.com

LaasqorayNET+Wakaaladaha Wararka

Muqdisho Somalia

Comments are closed.