webmaster@laasqoray.net

Midowga Yuurb iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Arrimaha Murugsan ee Soomaaliya.

Wafti kasocda Ururka Midowga Yurub oo maal mahan kusugnaa Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti ayaa xaaladda Soomaaliya kala hadlay masuuliyiinta Dawladda Jabuuti kadib kulamo gaar gaar ah oo xubnaha waftigaasi iyo masuuliyiinta Jabuuti ku dhexmaray Magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti.

Waftiga ayaa warbixin ku aadan arrimaha Soomaaliya ka dhegaystay masuuliyiinta Dawladda Jabuuti gaar ahaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaa’uud Cali, wuxuuna sharraxaad dheeraad ah ka siiyey xaaladda hadda ka jirta Soomaaliya, sidoo kale wuxuu u faah faahiyey sababaha ay Dawladda Jabuuti u taageerto Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Idiris Arnaa’uud Cali ayaa sidoo kale waxa uu waftiga ka socda Midowga Yurub uga warbixiyey dhaq dhaqaaqyada ay gudaha Soomaaliya ka wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee sida weyn uga soo horjeeda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay ka jiraan kooxo Arga-gixiso ah, sidoo kale waxa uu faah faahin ka siiyey waftiga dadaaladda ay Dawladda Jabuuti ku taageerto Dawladda KMG ah sida tababarka ay u fidiso Ciidamo katirsan Dawladda KMG ah.

Waftiga ka socday Midowga Yurub ee Jabuuti kusugan ayaa ku kuur gelaayey xaaladaha Soomaaliya, sidoo kalena waxay kulamo ku aadan arrimaha Soomaaliya la qaateen Wasiirro katirsan Dawladda Jabuuti dhamaan kulamaadisana waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee murugsan.

Kulamada Magaalada Jabuuti ku dhexmaray waftiga ka socda Ururka Midowga Yurub iyo masuuliyiinta Dawladda Jabuuti ayaa waxa uu qayb ka noqonaayaa kulamo dhowr ah oo looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo muddooyinkan ka jiray dalka Jabuuti.

Dhowaan ayey ahayd markii ay Madaxweyneyaasha Jabuuti iyo Yemen Ismaaciil Cumar Geelle iyo Cali Cabdalla Saalax kulamo ku aadan arrimaha Soomaaliya ku wada qaateen Magaalada Jabuuti ee xarunta Jabuuti.

Laasqoray.Net

Comments are closed.