webmaster@laasqoray.net

Mucaawinooyinka ay ku deeqeen Shacabka Kuwait oo laga qaybshey Sanaag

Badhan:- Deeq Raashinka Noocyadiisa kala Gadisan ka Kooban ayaa laga qaybiyay Deegaano Hoos Yimaada Degmada Badhan ee xarunta Labaad ee Gobolka Sanaag,deeqdaasi ayaa Qaybinteeda waxa Fulisay Jamciyada Salaama Development Society (SADSO) waxana Horay deeqdaasi Looga soo Qaaday Shacabka Dalka Kuwait oo u soo Mariyay Waalahooda Somaliyeed Hay’adda Bisha Cas ee Khayriga ah.

Dadkaas tiradoodu gaadhayso 2900 oo qoys , magaalooyinkaas ayaa ah
kuwa hoos yimaadda degmada Badhan ee gobolka Sanaag, waxa raashinka
keenay Shacabka Kuwiet oo u soo dhiibey hay’ada khayriga ah ee
caalamiga, waxana uu raashinkaas soo bilowday bishii Ogosto ee
sanadkan .

Degmada Badhan ayaa horraantii sanadkan waxa laga hirgeliyey gole
degaan oo sababay in arimo badan oo kaalmo iyo horumar ahi soo
gaadhaan degmadan, sidoo kalena waxa la filayaa in dhowaan degmada
lasoo gaadhsiiyo raashin ay keentay bisha cas ee dalka Kuweit oo uu
gadhwadeen ka ahaa Danjire Cumar Xaaji Cali .

Magaalooyinka laga qaybiyay waxa ka Mid ah

1- Badhan
2- Ceelbuh
3-Rad
4-Laako
5-Midigale
6-Mindhicir
7-Gooraan
8-Qoyan
9- Habarshiro
10-Haylaan
11-Dawaco
12-Xarka-dheere
13-Gumar(baraagta)
14- Geed-larifay
iyo Hadaaftimo

Maxamuud Ciyoon/Badhan

Comments are closed.