webmaster@laasqoray.net

Mudahaaraad lagu taageerayo Beesha Dhulbahante oo ka dhacay Magaalada Badhan.

Magaalada Badhan ee ah xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka dhacay mudaharaad balaaran oo lagu taageerayo xaq u dirirka Buhoodle isla markaana lagu diidayo maleeshiyaadka Somaliland.

Dadweyne careysan oo sita boodhadh ay ku taalo erayo lid ku ah Siilaanyo kuna tilmaamaya inuu yahay dagaal ooge isla markaana ku eedeynaya inuu wado dagaal hor leh oo kuwa beelaha Harti.

Dadweynaha oo bartamaha magaalada Marayey ayaa sidoo kale waxay taageerayeen Erayadii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in Puntland aysan gacmaha kala laaban doonin colaada Gobolka Cayn.

Dadweynahan oo isugu jirey wax garad, dhalin yaro, ururada ardeyda iyo ururada Haweenka ayaa sidoo kale waxay taageero cad u muujiyeen xaq udirirka Buhoodle ee duulaanka lagu yahay iyagoo ku dhawaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen Guuleysta iyo waanu idin garab taaganahey.

Mudaharaadkan oo ahaa kii ugu balaarnaa ee ka dhacay Magalaada Badhan ayaa waxa uu noqonayaa kii ka dhaca Deegaanada Maakhir ee gobolada Sanaag iyo Galbeedka Bari tan iyo intii ay caada qaatayaasha u dhashey beesha Maakhir isku dayeen iney sameeyaan maamul raacsan Waqooyi galbeed iyagoo ka faaiideysanaya abaaraha ka jira caro Maakhir oo balan qaadyo fidinaya.

Hase yeeshee Hadaaftimo ayaa horaanta bishan laga baacsadey caado qaate sheegtey inuu yahay gudoomiyaha Degmada Hadaaftimo isla markaana u cararey Ceerigaabo.

Dagaalada ka bilowday Buhoodle ayaa waxay ka caraysiisey dadweynaha isir wadaaga la ah beelaha Dhulbahante iyadoo mudaharaadyo kale ay ka dhaceen Gaalkacayo iyo Garoowe lagu diidanaa dhibka ay wado maleeshiyaadka Siilaanyo.

LaasqorayNET-Bosaaso

Comments are closed.