Qaar ka tirsan xildhibaanada KMG ah ee somalia ayaa si weyn uga soo horjeestay qorshaha dib u heshiisiineed ee uu wado u qaybsanaha ariaha somalia ee qaraada Midoobay Ogistino mohiga oo maalintii shalay soo gaaray magaalada muqdisho islamarkaana taageeray hadal kazoo baxay xukuumada jabuuti oo sheegaya in shir lagu qabto dalka Kenya uusan waxba soo kordhinayn islamarkaana maja xaabinayo haykla dowladeed ee iminka jira.
Xildhibaan cawed axmed casharo oo kamid ahaa xildhibaanadii manta sida weyn uga horyimid hindisaha ambassador mahiga ayaa sheegaya inuu ahayn hadafka mohiga id aan dan u ahayn danta iyo dalka Somaliyeed islamarkaana taageeray hadalka kazoo baxay xukuumada jabuuti
Sidoo kale xildhibaan cabdi xaashi oo kamid ah mudnayaasha baarlamaanka oo goobtaasi ka hadlay ayaa isna hoosta xariiqay inaan manta loo baahnayn shir dalka dibadiisa ka dhaca islamarkaana sheegay inay u dhisan tahay dowlad FKMG ah iyo gole baarlamaan oo dastuuri ah oo metela shacabka soomaaliyeed qayabihiisa kala duwan waa siduu hadalka u dhigaye.
Dhinaca kale ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u jooga Somalia Ogistino mohiga oo maalintii shalay soo gaaray magaalada muqdisho ayaa saxaafada u sheegay inuu magaalada muqdisho u yimid inuu so gaasriiyo warqado casuumaad ah masuuliyiinta dowlada ugu sar sareeya isagoo carabka ku dhuftay inay ka qayb geli doonaan shir logu magic daray wada tahsiga Somalia oo hiraanta bisha april ee fooda inagu soo haysa ka dhacaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Hadalka xildhibaanadan manta la hadlay saxaafada ayaa kusoo beegmaya xili uu warbaahinta ka hadlay wasiirka diinta iyo awqaafta xukuumada jamhuuriyada jabuuti maxamuud cabdi suldaan oo sheegay shirka lagu wado inuu ka dhaco Nairobi inuu yahay mid lagu majaxaabinayo hay,adaha dastuuriga ah ee dalka Somalia ka jira.
Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
