Baarlamaanka Puntland oo kalfadhigii 25-aad uga socdo Magaalada Garoowe ee xarunta Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyey qaybtii ugu dambaysay ee Golaha Wasiiradda Puntland oo maal mahan ansixintoodu socotay
Fadhiga Baarlamaanka oo muddooyinka socday ayaa waxaa horay loogu soo ansixiyey Wasiiro kuxigeenno iyo Wasiiru Dawlayaal katirsan Golaha Xukuumadda Puntland, marka laga reebo hal Wasiir oo la sheegay in uu hawlo shaqo ku maqan yahay.
Liiska Wasiiradda Maanta la ansixiyey.
1. Wasiirka Qorsheynta Iyo Xirriirka Caalamiga ah Daa’uud Maxamed Cumar.
2. Wasiir Kuxigeenka Amniga Cabdirisaaq Xareed Ismaciil.
3. Wasiir Kuxigeenka Dawladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga Coll Cabdi Yaasiin.
Xildhibaan Cali Jaamac Faarax Dhegcad oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Puntland ayaa uga warbixiyey warbaahinta Laasqoray.net sida ay maanta u dhacday ansixinta Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland kuwoodii ugu dambeeyey.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in dhamaan Golaha Xukuumadda la ansixiyey marka laga reebo Wasiirka Amniga Gen Yuusuf Axmed Khayr kaasi oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Bossaso.
Sidoo kale Xildhibaan Cali Jaamac Faarax Dhegcad ayaa sheegay in mudanayaasha Baarlamaanka ay fadhiga kasoo qayb galeen 42-mudane oo katirsan Baarlamaanka dhamaantoodna ay qalinka ku duugeen Golaha Wasiiradda.
Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa fadhiga Baarlamaanka waxaa lagu ansixinaayey Golaha Wasiiradda Puntland sidoo kale waxaa jiray dood ay Mudanayaasha Baarlamaanku ka lahaayeen xeer ku aadan arrimaha tahriibka iyo sidii loo joojin lahaa.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmail.com
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso
