webmaster@laasqoray.net

Muqdisho oo dagaalo ay ka socdaan iyo xukuumada oo qaadacday shirka Nairobi

Dagaalo cusub ayaa waxay ka curteen mar kale magaalada muqdisho iyadoo ay dagaaladani u dhexeeyaan ciidamada Alshabaab iyo kuwa Dowlada ku meel gaarka ah oo ay caawinayaan ciidamada afrikaanka ah ee ku sugan magaalada muqdisho.

Dagaaladan cusub ayaa waxay ka dhaceen degmada Boondheere iyadoo ciidamada Alshabaab ay guulo ka sheegteen hase yeeshee guulahaasi lama cadeyn karo.

Dagaaladan oo inta badan khasaare geysta ayaa waxay ahaayeen kuwo ku dabo xiran dagaalada joogtada ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta Jamhuuriyada Somalia.

Sidoo kale dagaaladan waxay imanayaan xili ay maalintii shaleyto aheyd ay Dowlada ku meel gaarka ah sheegtey ineysan ka qayb galeyn shirka abaabulkiisu ka socdo Magaalada Nairobi iyadoo eedo dusha uga tuurtay UNta oo shirkan qaban qaabineysa.

LaasqorayNET- Muqdisho

Comments are closed.