Minneapolis:Masaajidka Abubakar As-Saddique ee magaalada Minneapolis ayaa caawa waxaa kabilowday muxaadaradii ugu horaysay oo uu soo jeediyey Fadiilatu Shiikh C/qaadir Nuur Faarax,cinwaanka muxaadarada ayaa ahaa “Marxadaladihii dacwada Soomaaliya xiligii hore iyo hada” muxaadaradaas oo ku baxaysay Video-ga la iska arko (Video Conference) Sheekha ayaa ka hadlay taariikhda dacwada oo uu usoo joogay mudo dheer, Masaajidka oo aad u buuxay ayaa jamaacada Masaajidka aad ula maqsuudeen taariikhada dacwada Soomaaliye dhaqaysiga muxaadarada ayaad uga bogan doontaa.
Halkaan Ka Dhagayso Muxaadarad Shiikh C/qaadir Nuur Faarax
Sh. C/raxmaan Sh. Cumar oo Shiikh C/qaadir soo dhawaynayey ayaa isna raac iyey tacliiq kooban oo ku saabsan taariikhda dacwada iyo marxaladihii ay soo martay iyo xiligoodii sida ay u nidaamsanaayeen una kala danbeeyeen. Shiikh C/raxmaan ayaa ka hadlay Sh. C/qaadir Nuur Faarax aqoonta ay isku leeyihiin iyo inuu yahay aabihii dacwada, caalim muxadith ah Ugu danbayntii Sh.C/qaadir ayaa dardaaran qiima badan kusoo gaba gabeeyey.
Insha allaah Muxaadaradii Shiikha iyo kuwa culimad kaleba waxaad kala socon kartaa abuubakar.org iyadoo maqal iyo Muuqaal ah , waxaa kale oo muxaaaraad ka kala socon kartaa webka Halgan.net iyo Somalitalka insha Allaahu.
Markastana booqo abuubakar.org si aan ula socoto nashaadaadka Masaajidka.
Habeenka Jimcaha soo galayo 11/24/10 bacdal maqrib 5:00pm waxaa ku qoran Sh.Maxamed Cabdi Umal. Muxaadarooyinka si toos ah live ah waxaad kala socon kartaan abuubakar.org sidoo kale waxaan dib ka soo sheegi doonaa number laga dhagaysto iyo khad paltalk ah insha allaah. Salaadaha iyo ogaysiiska masaajid ka ka dhagayso hadaad dagan tahay Minnesota iyo hareerada 612-871-8600 Ex-1
Maamulka Masaajidka Abuubakar
aaic@abuubakar.org

November 28, 2010 at 4:06 pm
MashAllah Sheikha qudbadiisa aad baan ogahelay, Xafidahulah Sheikh Cabdiqadir Farah.