Waxaa maanta toogasho gaadma ah lagu dilay Nabadoon ka mid ah Nabadoonada Puntland gaar ahaana kasoo jeeda Degmada Galgala ee gobolka Bari Nabadoon Axmed Saalax Ceynab. Axmed Saalax Ayaa ahaa nabadoonkii ugu horeeyey oo ka hadla markii ay ciidamada Puntland galeen magaalada Galgala isla markaana taageera.
Waxaa todobaad ka hor miina lala beegsaday Nabadoon Xuseen Gurxan oo kasoo jeeda isna degmada Galgala isagoo dhaawac halkaasi kasoo gaarey, iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo ku nafwaaye.
Nabadoon Axmed Saalax wiil uu dhalay ayaa ah saraakiisha sarsare ee ciidamada PIS’ta isla markaana qeyb kamid ah gobolka Bari heysta. Arintan ayaa waxaa ay dadka qaar ay u badinayaan in ay dilka ka dambeeyaan ciidamadii buurta ka dagaalamayay Galgala ee isla markaana la dagaalamayay Puntland.
Si kastaba ha ahaatee ugaarsiga dadka kasoo jeeda Galbeedka Bari ayaa maalmahan ka bilowdey gobolka xarunta gobolka Bari ee magaalada Boosaaso, iyadoo mudadii labadii bilood lasoo dhaafey dhowr qof lagu toogtey. Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa waxay wadaan baaritaano lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyey dilkaasi oo aan wali cid loo heyn.
XIGASHO- SPRfm
