Caaqil Cabdi Faarax oo ka mid ah Caaqilada Gobolka Bari kana soo jeeda Beesha Dubays ayaa waxa uu bixiyey wareysi uu ku cabirey arimaha ka cakiran Galbeedka Bari iyo isgaarsiinta laga jarey Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan.
Caaqilka ayaa wareysigiisa waxa ka muuqdey mid ay ka muuqato dareen cadho ah isagoo si deg deg ah ugu baaqey inuu dhaco shir beeleed ay leeyihiin Beesha Dubays isla markaana uu shirkaasi ka dhaco Degmada Dhahar.
Caaqil Cabdi Faarax ayaa sidoo kale sababeeyey baahida keentay shirkaan deg dega ay ugu weyntahey Go’doominta Gobolka Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari ay ku hayso Maamulka Puntland oo sida uu sheegey Caaqilku in ay ka jartey gaadiidkii iyo isu socodkii Gobolka Haylaan iyo Galbeedka Bari.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGII
SPR+LAASQORAYNET
