Odayaasha Beelaha Cali saleebaan iyo dhigooda ee Cali Jabrahil oo ah laba jufo oo ka wada tirsan beesha Majeerteen ayaa loo dhaadhiciyey xabsiga ku yaala magaalada Bosaaso iyadoo Maamulka Faroole uu odayaashan ku eedeeyey iney ka danbeeyeen colaada ka taagan tuulada Igdheys iyo nawaaxigeeda.
Tirada Odayaashan ayaa lagu tilmaamey iney kor u dhaafeen 100 odey iyadoo dhamaantood loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe ee Bosaaso isla markaana lagu tilmaamey Xiritaankooda Dhaqan celis kadib markey ka dhega adeygeen xalinta dhibka dhexyaala jufooyinkooda..
Odayaasha ayaan loo ogolaan iney qabsadaan Qareen iyo cid u dooda iyadoo ay ku jiraan odayaashan kuwo la ildaran caafimaad xumo isla markaana aan awood u heyn ku jirada jeelka.
Guud ahaan colaada ka dhex taagan labada jufo ayaa in mudo ahba socotey iyadoo dad lagu eedeeyey dhowr jeer iney odayaashu kaalintoodii kasoo bixi waayeen isla markaana ay iyagu hurinayaan colaada, hase yeeshee odayaashu dagaalka kuma jirin waxana dagaalka kharashkiisa inta badan bixinayey ganacsato kasoo kala jeeda labada jufo berkado iyo dhulka beeyada isku haya.
Sidoo kale waxaa cad in amaanka Puntland uu faraha kasii baxay tan iyo intii uu xukunka lasii wareegey Farole isla markaana ay gobolada Mudug, Bari, Sool ay dhibaatooyin isdaba joog ahi ka dhaceen loona aaneynayo tala xumada, dhaqan xumada, dabeecad xumada Faroole.
LaasqorayNET-Bosaaso
