webmaster@laasqoray.net

Odayaasha Dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye Oo Eedayn Dusha Kaga Tuuray Ciidamada Midowga Afrika Ee AMISOM

Odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa cambaareeyey ciidamada midowga afrika ee AMSOM tacadiga ka dhanka ah dadka shacabka ah ee lagu garaacayo madaafiicda waxc gumaada iyadoo maalin ka hor ay suuqa bakaaraha ay ku dhinteen madfac kusoo dhacay oo dhinaca AMISOM ka yimid in ka badan 15-qof oo isugu jira haween ,dad da, ah iyo weliba ganacsato ku sugnaa suuqa bakaaraha.

Nabadoon maxamud axmed guuleed oo afhayeen u ah odayaasha dhaqanka beesha hawiye ayaa shaaca ka qaaday xili uu manta la hadlayey saxaafada inay ciidamada midowga afrika wadaan xasuuq ka dhan dadka shacabka ah waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ay diideen inay furan uritaanka wadooyinka suuqa bakaaraha.

Nabadoon guuleed oo daboolka ka qaaday ganacsatada inay dowlada KMG ah ee Somalia iyo xarakada alshabaab ay u ogolaadeen in loo furo wado soo gasha suuqa bakaaraha islamrkaana ay arintaasi diideen Ciidamada AMISOM taasina ay ka dhigan tahay ayuu yiri mid ay ku diidan yihiin jiritaanka umada soomaaliyeed waa siduu tilmaamaye.

Hadalkan kasoo baxaya odayaasha iyo waxagaradka beesha hawiye ayaa kusoo beegmaya xili uu xiran yahay suuqa bakaarahu islamarkaana ay ganacsatada iyo odayaasha beelaha hawiye ku eedeeyen inay diideen inay furaqan wadooyinka soo gala ciidamada AMISOM halka ay sheegeen inay ogolaadeen dhinacyada kale ee dowlada KMG ah iyo xarakada alshabaab.

Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.