webmaster@laasqoray.net

Ogeysiis: Shirka Maakhir Holland oo dhici doona Axada 23-10-2011

KU : Jaaliyada Maakhir ee Holland,

Anagga oo tixraaceya qodobadii kasoo baxey shir kooban oo asbuucii hore
isugu yimaadeyn gurikeyga qaar ka mid ah Odeyaasha Maakhir ee Holland,
waxaanu go’aaminey in la isugu yimaado shir guud ee Jaaliyada “Plenaire
Meeting”oo la rabo inuu ka qeyb qaato qofkasta oo ka tirsan bulshaweynta
Warsengelika maadaama looga hadlayo danta guud ee bulshadeyna.

Shirkaas oo dhici doona Axada 23-10-2011 kana dhici doona magaalada
Utrecht, si fiicana ayaanu usoo agaasimi doono insha”allah wuxuu ka dhicin
Hoolasha Stichting Milli Gorus Mescid-i Aksa Moskee ee adreyska Royaards van
den Hamkade 18. ahna dhabarka Amsterdamstraatweg (waddada dheyr), wuxuuna
bilaabmin saacadu markey tahey 14:30.

Hadaba imaatinkaagu waa lama huraan, waanuna ku farxin, insha”allah.

Wabillahi Towfiiq,

Guddoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Holland
Proffs. Cumar Shire Yuusuf. Mobile: 06-10442459
Waxaa soo gudbiyey: Xogheynta Jaaliyada: A.D.Dalmar oo aad kala xiriiri
kartiin lambarka 06-22182851
E-mail: holland@maakhir.eu
Webseytka: www.maakhir.eu

Comments are closed.