webmaster@laasqoray.net

Ogeysiis: Shirka Maakhir Holland oo dhici doona Sabtida 22-10-2011

KU : Jaaliyada Maakhir ee Holland,

Anigga oo tixraaceya qodobadii kasoo baxey shir kooban oo asbuucii hore isugu yimaadeyn gurikeyga qaar ka mid ah Odeyaasha Maakhir ee Holland, waxaanu go’aaminey in la isugu yimaado shir guud ee Jaaliyada “Plenaire Meeting”oo la rabo inuu ka qeyb qaato qofkasta oo ka tirsan bulshaweynta Warsengelika maadaama looga hadlayo danta guud ee bulshadeyna.

Shirkaas oo dhici doona Sabtida 22-10-2011 kana dhici doona magaalada Utrecht, si fiicana ayaanu usoo agaasimi doono insha”allah wuxuu ka dhicin Hoolasha Stichting Milli Gorus Mescid-i Aksa Moskee ee adreyska Royaards van den Hamkade 18. ahna dhabarka Amsterdamstraatweg (waddada dheyr), wuxuuna bilaabmin saacadu markey tahey 14:30.

Hadaba imaatinkaagu waa lama huraan, waanuna ku farxin, insha”allah.

Wabillahi Towfiiq,

Guddoomiyaha Jaaliyada Maakhir ee Holland
Proffs. Cumar Shire Yuusuf. Mobile: 06-10442459

Waxaa soo gudbiyey: Xogheynta Jaaliyada: A.D.Dalmar oo aad kala xiriiri kartiin lambarka 06-22182851
E-mail: holland@maakhir.eu
Webseytka: www.maakhir.eu

Comments are closed.