webmaster@laasqoray.net

OGEYSIIS- Shirka Sahal Community Association ee Liverpool iyo kasoo qeyb gal wacan

Waxaa dhamaan xubnaha ka tirsan Ururka Sahal Association ee ka dhisan cariga Boqortooyada Ingiriiska la ogaysiinayaa inuu dhici doono shir Sanadeedkii Sahal kaas oo ka dhici doona Magaalada Liverpool taariikhdu markey tahey 26ka bisha 11aad ee sanadakan 2011.
Shirkan oo ah kii sanad laha ahaa ama Annual General Meeting ayaa waxaa laga codsanayaa in xubnaha Ku dhaqan magaalooyinka kala duwan ee England iney yimaadaan si loo falan qeeyo hawsha Sahal iyo kobcinta Ururka Sahal.
Waxaa kale oo warbixin laga dhegeysanayaa Hawsha ay ku mashquul sanayeen Hawl wadeenada ku meel gaarka ah ee Sahal Association.
Waxaa sidoo kale la falan qeyn doonaa loona codeyn doonaa mashaariicda ay Sahal fulin doonto maadaama la gaarey 2dii Sano  ee loo qaybtey iney wax kaydiiyaan.
Sahal waa urur wadani ah isla markaana la yigleeyey 2009kii laguna yigleeyey Magaalada Sheffield iyadoo shirarkii is daba socdey ee ay jaaliyadu laheyd kuna yeelataya London iyo liverpool 2dii sano ee u danbeysey ay bulshada Reer Maakhir ee ku sugan cariga England ka qeyb qaateen bixinta dhigaal sanadeedka oo ah Sanadkii 12 Pound.
Goobta shirku waa:
60A Mulgrave Street  Liverpool, Merseyside L8 2TF
ku dhow Masjidka Granby
Wakhtiga:
1pm ama Kowda Duhurnimo
Taariikhda:
26ka bisha 11aad ee 2011
Faah faahin kala Xiriir
Sheekh Caydaruus F Odey- Tel 07960201950
Dr Sacid Tulux- 07877367102
Abdisalam Ahmed Ali Keenadiid- Tel07946155011
Website- www.sahal.org
Waad mahadsantihiin

Comments are closed.