Tababarkan ayaa waxaa uu ka furmay Xarunta Horumarinta & Cilmi Baarista Puntland ee PDRC ,waxaana loo Qabtay Guddiyada Tiirarka Nabada & Dimoqraadiyeynta Puntland kuwaasoo dhawaan lagu Yagleelay shirkii kan ka Horeeyey, waxaana soo Qabanqaabisay PDRC oo kaashanaysaa INTERPEACE.
Guddiyada oo ka kaooban 3 Guddi ayaa Midkiiba waxaa uu ka sii Koobanyahay 10 Xubnood oo ka kala socday Dhamaan Qaybaha Bulshada Puntland sida Golleyaasha Dowladda, Dhalinta, Haweenka & Aqoonyahanada IWM.
