Masuuliyiin iyo wax garad ka mid ah Maamul Goboleedka Puntland isla markaana kasoo jeeda Degmada Buhoodle iyo Gobolka Cayn ayaa dhaliiley isbalaarinta Maamulka Somaliland iyagoo ka jawaabayey Wareegtadii uu soo saarey madaxweynaha Somaliland Mudane Siilaanyo.
Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Bada Mudane Maxamed Faarax Adan ayaa warsaxaafadeed uu u akhriyey warbaahinta maalintii Shaleyto ku dhaleeceeyey waxa uu ugu yeerey isbalaarinta iyo xadgudubka Somaliland ee ku aadan Deegaanka Kalshaale ee lagu muransan yahey.
Wasiirka oo ay ag fadhiyeen dhowr Isimo iyo odoyaal Dhaqmeed ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa ”Waxaan lasoconay in maleeshiyo beeleedyo gaaraya 300 oo la heyb ah Siilaanyo intuu socday muranka Kalshaale tabbabar lagaga saaray tuulada Qorilugud duleedkeeda,haddana loo lebisay dharkii lagala degay diyaaradi lagu qabsaday la Hargeys”
Sidoo kale Wasiirka oo is kulul uga jawaabayey Wareegtadii uu Madaxweyne Siilaanyo kasoo saarey Kalshaale oo ay ka muuqatey dhinac la safasho ayaa waxa uu wasiirku uga jawaabey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin kuwan hoos ku quran.
- In la burburiyo baraagaha iyo wixii dhisme ah ee awal loo dhisey colaad abuur,Kalshaalena waa ceelal soo jireen oo ay iska leeyihin beel
- In Maamulka Somaliland joojiyo isbalaarinta sida ugu dhaqsaha badan Ciidamadooda kala baxaan dhamaan dhulka gardarrada ku fadhiyaan ee xuduudaha Puntland
- Iyo in shacabka Somaliland ka feejignaadan hurinta colaada cusub ee maamulka Somaliland taas oo la ogyahay in maamulkiisa ay gaar u tahay.wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha colaada la abuuray uu isagu masuul ka yahay.
Somaliland oo sheegata intii uu Gumeystihii Ingiriisku ka tagey isla markaana ka mid ah Dowlada Puntland ayaa had iyo jeer waxaa ka yimaada Muran ku salaysan xuduudka iyadoo labada Maamulba ay ku jiraan dad u dhashey gobolada Lagu muran san yahay oo ay ka mid tahey Deegaanada Kalshaale oo dhibaato dhimasho keentey bilihii lasoo dhaafey ay ka dhacdey.
LaasqorayNET+Wakaaladaha Wararka
