webmaster@laasqoray.net

Puntland oo dhaqaale ugu yaboohdey Abaaraha ka jira Gobolada

Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu ugu yaboohay lacago kor u dhaafey Labo Boqol oo Kun oo doollarka mareekanka ah abaaraha ka jira Gobolada ayka taliyaan iyadoo lacagahan lagu shabayo account loogu talo galey abaaraha ka jira Puntland in wax looga qabto.

Lacagtan oo uu shaaciyey wasiirka Xiriirka Caalamiga Mudane Daud Cumar ayaa sheegey in Maamulka Puntland uu ka dhabeenayo inuu inta awoodiisa ah uu wax ka qabto abaahara ka jira gobolada Puntland.

Hadaba waxaa xusid mudan in abaaraha Puntland ka jira ay si ba’an u saameeyeen Gobolada Bari iyo Sanaag iyadoo uusan Wasiirku sheegin goboladu sidey u qaybsanayaan lacagahan hase yeeshee sidey caadadu tahey waxaa la filaaa inuusan Gobolka Sanaag ama deegaanada Maakhir aysan waxba ka helin.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegey maamulkiisu oo maalmahanba ka arinsanayey arimaha abaaraha ka jira Puntland isagoo intaa ku darey in Ganacsatada laga sugayo iney iyaguna ka qeyb galaan dhaqaale u ururinta abaaraha ka jira Gobolada ay Puntland ka arimiso.

Abaarahan oo ah kuwa soo noq noqdey ayaa waxaa ay saameyn balaraan ku yeelatay dadka danyarta ah iyo xoolo dhaqatada iyadoo ay dadkaasi xoolahooda markey abaartu ka dhameyso ay magaalooyinka yimaadaan iyagoo cayr ah isla markaana la ildarnaada baahidooda.

Gobolka Sanaag ayaa isna waxaa ka taagan abaaro iyadoo Qurbajoogta Gobolkan aan laga heyn wax baaqyo ah ama yabooh dhaqaaleed oo biyo dhaamis ah isla markaana aad moodid iney ka rajo beeleen xaalada Gobolka.

LaasqorayNET-Garowe

Comments are closed.