webmaster@laasqoray.net

Puntland oo Dilkii Xildhibaanka ku eedaysay Raascaseyr State

War Qoraal ah oo ka soo baxa Maamulka Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in dilkii Mudane ka Tirsan Baarlamaanka PL oo lagu dilay Baar-Gaal Maanta Galinkii danbe oo Jimce ah ay ka danbeeyeen Maamulka Raas caseysr State.

Warkaasi PL Soo Saartay kama aysan hadlin Maamulka la eedeeyay Hase ahaatee Mudanaha la dilay ayaa aad uga soo Horjeeday Maamulka deegaankaasi Sanad ka Hor looga dhawaaqay.

Xildhibaan Bille Maxamuud Yuusuf wuxuu ahaa Xubin Baarlamaanka PL oo Reer Baar-Gaal ah waxana uu inta badan dhaliili Jiray Maamulka Sheegtay inuu PL Qoobka kala Baxay ee Saldhigiisu yahay Calula.

 

LaasqorayNet

Comments are closed.