Dawladda Puntland ayaa hadal aan wax badan soo kordhinayn ku tilmaantay hadalkii maalintii kasoo yeeray sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha Waddanka Maraykanka kaasi oo ku aadanaa walaac uu Maraykanku ka muujiyey dhisitaanka Ciidamada Badda Puntland.
Warsafaadeed kasoo baxay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Bossaso ayaa waxaa lagu sheegay in hadalkaasi yahay mid aan waxba ka dhimayn dhisitaanka Ciidamada Badda Puntland oo dufcaddoodii koowaad tababarka loo soo xiray halka qaybtii labaad hadda la xareeyey.
Warsaxaafadeedka oo lagu baahiyey Bar Internet oo ay Dawladdu adeegsato ayaa waxaa lagu sheegay in Dawladda Puntland ay samaysnayso Ciidamo ilaaliya badaha Puntland isla markaana la dagaalama kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu shaaciyey in Ciidamada cusub ee Badda Puntland ay la dagaalami doonaan maraakiibta sida sharci Daradda ah u jariifa Badda Puntland iyo dhamaan ciddii si sharci darro ah kusoo gasha badaha Soomaaliya gaar ahaana kuwa Puntland ciddii doonta ha ahaatee.
Warsaxaafadeedka laguma sheegin cidda ka taageertay Puntland dhisitaanka Ciidankan oo la sheegay in ay Dawladda iska kaashadeen sidii loo dhisi lahaa shirkaddo ajnabi ah kuwaasi oo aan la shaacin meesha laga leeyhaay.
Warsaxaafadeedkan ayaa daba jooga hadal maalintii shalay kasoo yeeray sarkaal u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka kaasi oo walaac ka muujyey Ciidamadan oo uu tilmaamay in aan Maraykanku waxba kala socon dhisitaanka Ciidamadaasi isla markaana shaki ka muujiyey cidda taageerta Ciidankan.
Dawladda Puntland ayaa horay u sheegtay in Ciidamada Badda Puntland ay tiro ahaan dhamaan doonaan 1,050 askari kuwaasi oo adeegsan doona Gawaari gaaraysa 150 isugu jira noocyada dagaalka iyo kuwa xamuulka qaada, sidoo kale Ciidamada ayaa isticmaali doona Doonyaha dheereeya ee dagaalka kuwaasi oo aan tiradooda la cayimin, sidoo kale Ciidamada ayaa isticmaali doona Diyaaradaha Helipkoters oo tiro ahaan lagu sheegay 6-diyaaradood.
Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland Gen C/samed Cali Shire ayaa sheegay mar uu ka hadlaayey munaasabad asbuucii lasoo dhaafay tababar loogu soo gaba gabeeyey dufcadda koowaad Ciidankan in ay noqon doonaan kuwo hoosyimaada Dawladda Puntland isla markaana haddii loo baahdo hawlgallo ka samayn doona badaha Soomaaliya ee Puntland ka baxsan.
Sikastaba arrintan muranka dhalisay ayaan ilaa iyo iminka la ogayn Cidda Puntland ka taageertay dhisitaanka Ciidankan iyadoo markii la yagleelaayey Ciidan saddex bilood ka hor ay Dawladdu sheegtay in ay ka taageeri doonto shirkad laga leeyahay Dalka Koonfurta Africa.
Jaamac Joofane
Joofane11@hotmailcom
Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaoso
