Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 16,Jan,2012 si rasmi ah ugu dhawaaqey shidaal qodis in laga bilaabo deegaanada Puntland ka dib markii uu ka qaybgalay xaflad si caalami ah loo soo maamuley oo loogu talogalay furitaanka mashruuca shidaal qodista Puntland kana dhacdey dooxada Dharoor ee gobolka Karkaar.

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse ,ku dhowaad 10 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Puntland,qaar ka mid ah mudanyaasha Baarlamaanka,saraakiisha militeriga iyo booliska Puntland,agaasimayaal ,salaadiin ,issimo ,nabadoono, culimo ,aqoonyahano, ganacsato, saxaafada, madaxda hayadaha African Oil iyo Range Resources oo barnaamijkan fulinaya iyo marti sharaf kale oo aad u badan ayaa goob joog ka ahaa xafladii maanta ka dhacdey xarunta shidaal qodista koowaad oo lagu magacaabo Ceelka Shabeel1.

Bilawgii ayaa waxa halkaasi ka hadlay Garaad Cabdulaahi Cali Ciid iyo
Suldaan Cabdisalaan Shiikh Maxamuud oo amaan iyo bogaadin usoo jeediyey dhamaan intii hirgelisey Puntland degaaanadeeda in laga bilaabo shidaal qodistan,waxana ay ku booriyeen madaxda Puntland in la sii wado
dadaalada looga faa’ideysanayo khayraadka dabiiciga ah ee dalkeena.
Agaasinka guud ee hayada Patroolka iyo Macdanta Puntland Dr.Ciise Maxamud Faarax Dhoolawaa ayaa isna ka sheekeyey heerarkii uu soo maray barnaamijkan iyo ugu danbeyntii oo maanta loo fadhiyey in la bilaabo qodistii ugu horeysey.

Madaxda African Oil iyo Range Resources oo heeshiisyo kula jirta
Puntland inay hawshan qabato ayaa ka soo jeediyey hadalo kooban madasha munaasabadu ka dhaceysey,waxana ay sheegeen in aysan ku iman arintan go’aan hal maalin ee loo soo maray dadaalo badan iyagoona uga mahadceliyey madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxman Faroole sabarka uu muujiyey iyo dulqaadka caqabadihii la soo gudboonaadey mashruucan.

Ugu danbeyntii ayaa waxa lagu soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland oo ugu horeyn mahad balaaran u soo jeediyey ciidamada amaanka Puntland oo ka qayqaatey sugida amaanka ceelka iyo weliba alaabtii lagu qodayay oo Bossaso ay ka keeneen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay maanta in taariikhi u tahay umadda reer Puntland iyo Somalia,waxana uu raaciyey in ceelkan waxa ka soo baxa uu san u ekayn Puntland basle ay Somalia la wadaagi doonti haddii la
israaco oo dalka Dastuur mideysan yeesho.
Shabeele kow oo lagu magac darey Shabeelka (Tiger) ayaa maanta si rasmi ah madaxweynuhu ka qaybgalay furitaankiisa,waxana uu tilmaamey in dhowaan Puntland ka baxayso baahida iyo wax weydiisiga hadii Eebe idmo.

’In nala baryo mooyee,wax danbe baryi meeyo ,hadii shidaalkaasi inoo soo baxo’’ ayuu yiri Dr.Farole.
Madaxweynuhu waxa uu ku adkeeyey in barnaamijkan ay ka faa’ideysan doonaan dhalinyarada aqoonta leh oo jaamacadaha ka baxay ee reer Puntland waxana uu raaciyey sidoo kale in waxtar u yahay kuwa xoogooda maasha oo dhankooda ka qaybqaadan doona.
‘’Hadii aanu helney dad hantidoodi,nafsadoodi iyo wakhtigoodi noo hurey oo hawshan ogolaadey inay qabtaan,inaga waxaa nagu soo aadey in nabadgelyado helaan,sabur yeelano sida nala ga codsadey , wadashaqayna inaan muujino waa muhiim’’ ayuu yiri Dr,Cabdiraxman Maxamed Farole.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa duco kusoo khatimey hadalkiisa isagoona Alle uga baryey in uu dhibka ka dulqaado guud ahaan umadda Soomaaliyeed.
Xaflada ayaa lagu soo gabagabeyey qado sharaf loogu talo galay martidawaxana bilaabey madaxweynaha Puntland oo ka dib intaasi fuuley riiga qodayey shidaalka si uu gacanta ugu dhaqaajiyo markii ugu horeysey oo Puntland shidaal faagid laga bilaabo.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaamarkii ay soo dhamaatey munaasabada furitaanka ceelka Shabeel1 waxa uusafrey dhanka magaalada Jabouti ee xarunta dalka Jabouti,waxana ku weheliyey socdaalka wasiirka arimaha gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Gen. Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilkajiir iyo saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha,iyadoona la filayo in ay usii gudbaan dhanka Isutaga Imaaraadka Carbeed.

