webmaster@laasqoray.net

Puntland oo warsaxaafadeed kasoo saartey Markabkii lasoo marin habaabshey ee Laasqoray

Wasiirka warfaafinta is-gaarsiinta & hidaha iyo dhaqanka ee Puntland Axmed Cali Askar ayaa shir jiraa’id oo uu ku qabtey madaxtooyada Puntland ee magaalada  Garoowe ee xarunta puntland .Wasiirka Warfaafinta ee Puntland ayaa sheegay in ciidamada daraawiishta ee gobalka Sanaag ay rasaas digniin ah ay ku rideen markab laga leeyahay dalka Britian oo shalay soo gaaray Laasqoray.

Warsaxaafadeedkii HOOS KA AKHRISO

WAR SAXAAFADEED10 July 2011
Dowladda Puntland Ayaa Cambaaraynaysa Dhacdadii Gardarada Ahayd ee LasQoray
Ciidamada Dowladda Puntland ayaa xabado digniin ah ku furay askar ajnabi ah ooaan la aqoonsan maalintii 9 July 2011 ka dib markii askartaasi ay ka soo degeenxeebta Magaalada Las Qorey iyagoo wata doomo yaryar iyo baabuur gaashaaman.

Intaasi ka dib ayaa askartii ajnabiga ahayd dib ugu noqdeen badda iyagoo aan ridinwax xabado ah.

Xogta Dowladda heshay ayaa cadaysay in askartaasi ajnabiga ah ay ka soo degeenmarkab dagaal oo laga leeyahay Dalka Ingriiska (United Kingdom) iyadoo aymarkabkaasi la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Somaliland, oo uuka mid yahay sarkaalka ku magacaaban Taliyaha Ciidamada Badda ee SomalilandAdm. Axmed Aw Cisman.
Ciidamada Dowladda Ingriiska ayaa ka soo degay xeebta Magaalada Las Qoreyiyagoo aan wax fasax ah waydiisan Dowladda Puntland. Waxaa cadaatay inCiidamada Ingriiska ay soo qaldeen saraakiisha Somaliland, saraakiishaasi oo kabeen sheegay gacan-ku-haynta Magaalada Las Qorey ee Puntland.

Dhacdadaani ayaa gudaha Las Qorey ka abuurtay jawi degaansho la’aan, iyadoo ayciidamada Dowladda Puntland rideen xabado digniin ah.
Dowladda Puntland ayaa si adag u cambaaraynaysa talaabooyinka MaamulkaSomaliland uu ku khalkhal galinayo nabada iyo xasiloonida ka jirta deegaanadaWaqooyiga Somalia.

Dhacdadaani waxay ku salaysan tahay in Maamulka Somaliland uu khiyaanoafkaarta Dowladaha Caalamka waana dhacdo aan la aqbali karin markii loo eegoderis-wanaaga iyo wada-noolaanshaha si loo adkeeyo amniga iyo xasiloonidamandaqada.
Dowladda Puntland ayaa soo dhawaynaysa xiriirka tooska ah oo degdeg ah ooay mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ciidamada Badda ee DalkaIngriiska la soo sameeyeen Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland si loo cadeeyo qaabkaay arrintaani u dhacday.

Ugu danbayntii, Dowladda Puntland ayaa ugu baaqaysa Maamulka Somaliland inuuixtiraamo deris-wanaaga iyo inuu ka waantoobo dhacdooyinka noocaan oo kale,iyadoo hore uu Maamulka Somaliland ugu soo duulay deegaano ka tirsan Puntland.

Communications Office

The Puntland Presidency

Puntland State of Somalia

E-mail: info@puntland-gov.net

Web: www.puntland-gov.net

— END —

Comments are closed.