Ardayda dugsiga sare ee al-furqaan ayaa todobaadkan kulamo gaar ah oo ay yeesheen waxay ku go’aansadeen iney ka qayb qaataan gurmadka abaaraha ee bulsha weynta reer Maakhir ka wadaan dalka iyo dibadda.
Ardayda dugsiga sare ayaa waxay xusheen lix arday oo ka kala socda fasalada dugsiga sare , waxana ay bilaabeen olole ay ardayda ku wacyi gelinayaan iney wixii karaamkooda ah ka qayb qaataan gurmadka abaaraha gaar ahaan biyo dhaanka laga wado magaalada Badhan.
Subaxnimadii ayaa gudida ardaydu waxay xaflad ugu wareejiyeen guddoomiyaha golaha degaanka Md. C/risaaq Axmed Ciise iyo Mr. Siciid Maxamed Qoobey oo ka socdey xoogagga hor-u-socodka ah waa sida uu hadalka u dhigaye
Lacagta ay ku warreejiyeen ayaa waxay goynaysaa 60 foosto oo biyo ah , waxana halkaas khudbad dhiirri gelin ah uga jeediyey labada mudane ee xafladdan kazoo qayb galay ,iyaga oo si farxadle uga mahad celiyey dareenka ardaydaas ee ku aaddan iney dhibta la qaybsadaan walaalohooda aan iyagu iibsan Karin biyaha, waxayna kula dardaarmeen in ujeedada waxbarashadu tahay waxqabad iyo waxtar nafta , ehelka iyo wadankaba.

Maayarka oo hadal dhiirri gelin ah u jeedinya ardayda
Maxamuud Ciyoon
