webmaster@laasqoray.net

Qaar Ka Tirsan Gudiyada Baarlamaanka KMG ah Ee Somalia Oo Eedayn Dusha Kaga Tuuray Ergeyga Qaramada Midoobay U Jooga Somalia Augustine Mohiga

Gudiyada baarlamaanka KMG ah ee somalia ayaa ka digey shir la sheegay in laga bar bar wado dowlada KMG ah ee somalia iyadoo ay sheegeen inuu arintaasi u ololaynayo u qeybsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Augustine Mohiga oo ay sheegeen inay dhaliilsan yihiin sida uu u shaqaynayo  Xildhibaan Cali Max’uud Faarax (Cali Seko) oo ka tirsan Gudiga cadaalada iyo garsoorka ayaa saxaafada u sheegay in Ambassador Mohiga uu doonayo inuu Soomaaliya aysan cagaheeda isku Taagin islamarkaana ay ku jirto fowdada iyo weliba xaalada kacsanaanta ah ee iminka ka jirta.

xildhibaanka ayaa ku eedeeyey ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u jooga somalia mr .Mohiga inuu u Ololeynayo sidii uu usoo dhisi lahaa baarlamaan jeebkiisa ah islamarkaana uu shirar ugu qaban lahaa dalka dibadiisa si uu qarash badan ugu helo oo dantiisa ah.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi kula hadlay saxaafada Gudoomiyaha Gudiga warfaafinta baarlamaanka Cawed axmerd casharo oo sheegay in Augustine Mahiga uu doonayo in Soomaaliya ay kala qaybsanto dibna ay ugu noqoto fowdadii hore maadaama uu sheegay in dowladda KMG ah ee somalia ay horumar ka gaartay arimaha nabad galyada islamarkaana ay jiraan meelo badan oo ay dowladu nabadii kusoo celisay waa siduu hadalka u dhigaye .

Xildhibaan Casharo oo hadalkiisii sii wata ayaa uga digay Ambassador Mahiga in uu ka fiirsado Maamul goboleedyo uu wado taasi oo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo barlamanka Soomaaliya oo si wayn ugu soo horjeeda siyaasadda Augustine Mahiga taasoo qalad weyn ka gelayo umada soomaaliyeed .
Si kastaba ha ahaatee hadalka Gudiyada baarlamaanka ayaa kusoo beegmaya xili uu khilaaf weyn uu hareeyey labada masuul ee dowlada Ugu sareeya ee madaxweyne shariif iyo gudoomiyaha baarlamaanka shriif xasan sh,aadan iyadoo ay ku kala loolamayaan inuu midba midka kale ka takhaluso.

Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho

Comments are closed.