Baarlamaanka KMG ah ee somalia ayaa si weyn uga so horjeestay shirka wada tashiga somalia ee uu Garwadeenka ka yahay ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u jooga somalia Augustine Mahiga kaasoo ay ku tilmaameen mid lagu bur burinayo qaranimada umada soomaaliyeed waa siday hadalka u sheegeene
Gudoomiyaha gudiga warfaafinta baarlamaanka KMG ah ee somalia cawed axmed casharo oo saxaafada kula hadlayey magaalada muqdisho ayaa sheegay in umada somaliyeed ay haystaan abaaro iyo colaado isbiirsaday islamarkaana aysan iminka doonayn in wax ka qabato qaramada midoobay iyadoo uu sheegay in QM ay lusatay dhaqaalihii lagu caawin lahaa dadka dhibaatada haysato ayuu waxuu daboolka ka qaaday in xiligana aysan baarlamaanka KMG ah ee somalia aysan diyaar u ahayn ka qayb galka shirka lagu wado inuu ka bilowdo bishan aynu ku jirno bartamaheeda .
Gudoomiyaha warfaafinta baarlamaanka KMG ah Cawed axmed casharo
sidoo kale xildhibaan sheikh nuur oo kamid ahaa mudnayaashii maanta shir saxaafadeedka soo saaray lagaga soo horjeedo shirka lagu wado inuu ka dhaco nairobi bishan aynu ku jirno ayaa ku eedeeyey gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah ee somalia shariif xasan sheikh aadan inuu ka caga jiidayo inuu mowqifkiisa ka cadeeyo shirkan islamarkaana sheegay inuu gudoomiyuhu yahay afhayeen baarlamaank balse uusan ahayn mid go,aan iska qaadan kara baralamaanku leeyahay .
Si kastaba ha ahaatee hadalka kasoo baxaya xildhibaanada KMG ah ee somalia ayaa kusoo beegmaya xili uu Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u jooga somalia Augustine Mahiga uu shaaciyey in shirka lagu tilmaamay wada tahsiga somalia uu dhici doono bishan bartamaheeda islamarkaana ku baaqay in laga soo qayb galo isagoo hore warqadihii casuumaada usoo gaarsiiyey masuuliyiinta dowlada ugu sareeya
Dhegeyso Xildhibaan shiekh nuur
Yaasin Maxamed, LaasqorayNET, Muqdisho
