webmaster@laasqoray.net

Qaar Katirsan Golaha Wasiirada Puntland Cambaareeyey Dilka Suldaan Ciise Xassan Cumar.

Qaar kamid ah Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland ayaa ka hadlay dilka caawa Magaalada Bossaso loogu gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar oo kamid ahaa Isimada Gobolka Bari kaasi oo ay Magaalada Bossaso ku toogeen kooxo hubaysan.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaaan ayaa mar aan khadka taleefanka kula xiriirnay isaga oo jooga Magaalada Garoowe ee xarunta Dawladda Puntland waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay dilka Magaalada Bossaso loogu gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar.

Mr Gaashaan ayaa kooxahaasi ku tilmaamay kuwo kasoo horjeeda nabadda, ammaanka iyo horumarka Puntland isla markaana waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay u istaagaan sidii kooxahaasi loola dagaalami isaga oo tilmaamay in Deegaanada Puntland ay ku cusub tahay dilka madax dhaqameedka kooxaha keenayna ay yihiin kuwo leh ujeeddo gaar ah ayna kamid tahay isku dirka beelaha Puntland.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaan ayaa sidoo kale waxa uu ku micneeyey dilka Suldaanka mid looga gon lahaa in lagu bur buriyo heshiis nabadeed oo ay dhowaan Magaalada Bossaso ku kala saxiixdeen beello walaallo ah oo muddo kusoo dagaalamay qaybo kamid ah Gobolka iyo Magaalada Bossaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku tilmaamay kooxaha ka dambeeyey dilka Suldaanka sida uu hadalka u yiri Mujrimiin kasoo horjeeda wanaaga umadda Soomaaliyeed, sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in kooxaha dilkaasi gaystay ay xitaa dhawri waayeen Masaajidka uu Suldaanku kasoo baxay xilliga ay dileen oo uu kasoo baxay Masaajidka Al Aqsa ee Magaalada Bossaso.

Ugu dambayntiina Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Dawladda Maxamed Ciise Faarax Gaashaan ayaa waxa uu umadda Soomaaliyeed ee Deegaanada Puntland ku nool ugu baaqay in ay ammaanka si wada jir ah uga shaqeeyaan isla markaana ka hortagaan cid kasta oo falal ammaan darro wadda ayna kamid yihiin kuwo hadda bilaabay in ay laayaan madax dhaqameedka iyo Salaadiinta.

Hadalka Wasiirka ayaa ka dambeeyey kadib dilkii caawa Magaalada Bossaso loogu gaystay Suldaan Ciise Xassan Cumar oo kamid ahaa Isimada Puntland ee dhanka nabadda iyo raadinteeda sida weyn loogu yaqaanay.

Xafiiska Warbaahinta Laasqoray ee Magaalada Bossaso

Comments are closed.