Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka heleyno ilo lagu kalsoon yahay ayaa waxay xusayaan in Hay’ada Horn Relief oo ay Marwo Faatima Jamac horjooge ka tahey iney qalabkii Bulshada Reer Laasqoray ay iibineyso isla markaana dhinac uga dhacdey heshiis isbuucii lasoo dhaafey lagu gaarey khadka taleefanka oo ay kasoo qeyb gashey Fatima iyo Wax garad u badan Qurba joogta.
Ilo wareedyadani ayaa waxay sheegayaan in Horn Relief ay ku adkeysaneyso iney iyadu leedahay Qalabkan oo lacag badani ka gashey iyadoo ay Bulshada kaga jirto 250kun oo dollars, waa sida ay ku doodeyso e, laakiinse is moodsiineysa iney asal ahaanba SAXIIXII waxgaradka Reer Laasqoray ay kusoo heshey lacagta isla markana Bulsho ayaa wax rabta ay OXFAM NOVIB kaga heshey.
Warku waxa uu intaa ku darayaa in Horn Relief oo shaqa joojin ka wada inteeda Badan Sanaag isuguna soo biyo shubatey Bosaaso iyo Qardho isla markaana u Wareegtey dhinaca Gobolka Bari aaminsan tahey iney iibin karto Qalabka Dekeda Laasqoray.
Waxaa intaa dheer oo wararkale sheegayaan in Wargeyska Kaaha Bari lagu soo daabacay maalintii Arbacada aheyd xayeysiiska iibinta Qalabka isla markaana 150 Dollars la siiyey wargeyska Kaaha Bari si loogu xayeysiiyo.
Waxaa xusid mudan in Qurba joogtu ay ku hawlan tahey sidii markale Olole Dhaqaale loo geli lahaa oo ay lacago isugu dari lahaayeen si loo dar dar geliyo dibu dhiska Dekeda Laasqoray hase yeeshee waxaa hortaagan beeca lala beegsadey qalabka iyo muranka ka dhashey lahaanshaha Qalabka.
