webmaster@laasqoray.net

Qurba Joogta Beesha Sool oo Jawaab ka bixisay Hadalkii Faroole.(Halkan Ka Daawo)

Qurba Joogta Beesha Dhulbahante ayaa Jawaab ka bixiyay hadalki uu Maalintii Ciida kasii daayay Warbaahinta Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ee ku aadana Labo Wasiir oo Xafiiska Sheekh Shariif ka Shaqeyn jiray baa nalaga dhacay.

Beesha Gobolka Sool Waxay Sheegtay in uu matalo Wasiirka Warfaafinta iyo Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr. Cabdikariim Xassan Jaamac islamarkaana ay  taageersan yihiin Dowladda KMG ee Madaxweynaha ka yahay Mudane Sheekh Shariif iyo Xukuumada Cusub ee Raysal Wasaare Farmaajo.

Sidoo kale Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Dhulbahante waxay ugu baaqeeen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan faroole in uu raali galin buuxda ka bixiyo gefkii uu u geystay Beesha gaar ahaan Dr Cabdikariim Xassan Jaamac  oo uu meel uga dhacay sharaftiisa .

Halkan Hoose ka daawo War Murtiyeedka ay Qurba Joogta                    Beesha Dhulbahante  kasoo Saareen hadalkii Faroole.

Halkaan ka Daawo Hadalka Beesha Dhulbahante

Subscribe to Comments RSS Feed in this post

18 Responses

  1. TO: HARGEYSA

    HADA AYAA WAX LA FAHMI KARO SOO QARTAY WALAAL …. WAANA WAX LOO BAAHANYAHAY IN WIXII DHACAY LAGA GUDBO WAA INSE LA ILAAWIN SI TARIIKHDA DIB UGU SOO LABAAN JIILASHA SOO SOCDA AY U FAHMAAN.

    MIDA LABAAD, AANU ISKU IMAADNEE MAXAANU ISKU IMANNAA OO KUWADA HADALNAA WAXNA KU QEEBSANAA ( MAGACEE) IYO QADIYADEE? HADII AY TAHAY DARISNIMO, XIDIDNIMO,SOMALINIMO,MIDAB, HAL LUQAAD IYO ISKU DIIN … A ….. MAXAANU UGA DUWANNAHAY SOMALIDA KALE EE AANU ISKU RABNAA NALA MIDKA AH MAXAANU U RABIN SOMALIDA KALE? JAWAABTU AY INTA BADAN QABAAN SOMALIDA INTA BADAN WAXNA KU DHISMIKARAAN. XAQIIQADA TAA KA DUWAN MA AHA MID CAFIMAAD QABA DADKUNA WADA QABO,WAXNA LAGU DHISO KARO AYNA WADA JECELYIHIIN.

  2. hadaba dhinac iska dhiga ssc snm maakhir awdalland yaah maxaad ka qabtaan in umadii former british somaliland la odhan jiray dib la isugu soo cesho oo ay wada yeeshaan dib u heshiisiin. burco la isugu yimaado. yaah aanu hirgalino xornimadii 26ka june inaga luntay. yaah meeshaasi dan inooma ahan. hadaad rabtaan caasimad labaada waxaanu siin idinka harti warsengeli and dhulbahante ama samaroon iyo ciise. yaah awoodna lawada yeesho oo aynu wada yeelano dowlad federal ah. somalia dan imoona ahan. ama ugu yeedh former italian somaliland. yaah kawarama dib u heshiisiin dhex marta umada somaliland ama former british somaliland oo dhan oo saami qaybsi la sameeyo. waxaan hada xaqdarada wadaana laga korboodo.

    • HADA AYAA WAX LA FAHMI KARO SOO QARTAY WALAAL …. WAANA WAX LOO BAAHANYAHAY IN WIXII DHACAY LAGA GUDBO WAA INSE LA ILAAWIN SI TARIIKHDA DIB UGU SOO LABAAN JIILASHA SOO SOCDA AY U FAHMAAN.

      MIDA LABAAD, AANU ISKU IMAADNEE MAXAANU ISKU IMANNAA OO KUWADA HADALNAA WAXNA KU QEEBSANAA ( MAGACEE) IYO QADIYADEE? HADII AY TAHAY DARISNIMO, XIDIDNIMO,SOMALINIMO,MIDAB, HAL LUQAAD IYO ISKU DIIN … A ….. MAXAANU UGA DUWANNAHAY SOMALIDA KALE EE AANU ISKU RABNAA NALA MIDKA AH MAXAANU U RABIN SOMALIDA KALE? JAWAABTU AY INTA BADAN QABAAN SOMALIDA INTA BADAN WAXNA KU DHISMIKARAAN. XAQIIQADA TAA KA DUWAN MA AHA MID CAFIMAAD QABA DADKUNA WADA QABO,WAXNA LAGU DHISO KARO AYNA WADA JECELYIHIIN.

  3. dad baa qalbiga ka buka horta aniguma odhan isaaq ayaad tihiin ee somaliland waa magac inaga wada dhaxeeya yaah hadii kale haday sidaas tahay waaban la bixi lahaa ee samaroon iyagaa ahaa aabihii somaliland borame iyo burco ayaa ahaa aabayaashii somaliland lagu soo dhisay. mida labaad waxaan odhanayaa somaliland idinkaa qabiil ka dhigtay ee wax run ahna maahan waana been. rag baa leh maxaa dhulbahante lagu haystaa. walaal anagu dhulbahante wax aanu ku haysano maleh ee aan ahayn in ay xuduudka somaliland ilaaliyaan. yaah mida kale somaliland ogaada waa sida jabuuti oo kale wax lagu dhexlaaqi karayo somalia maahan walaalayaal. waar hadaad somaliland la simtay puntland macnihii jabuutina puntland ayaad la simtay. waar walaalayaal yaah puntland waa wax qabiil gaar ah iska leeyahay oo waana majeerteen. mida labaad somali waxay u kala baxdaa shan maahan 6. puntland waa wax gadaal isleh kaga darsan. ee shantu waatan somaliland somalia jabuuti somali galbeed iyo NFD. yaah kolkaad eegtaan puntland waxay xoriyad la qaadatay somalia oo heshay xornimo 01 july 1960. yaah anagu se somalia waanu ka taariikh deganahay deegaanadan somaliland oo dhan isku wada dar dhulbahante warsengeli isaaq ciise samaroon kuligaayo waxaanu wada xusnaa 26ka june oo ah maalin aanu xoriyad helnay. yaah taariikhna walaalayaal been ma gasho. mise waxaad leedihiin 26ka june isaaq ayaanu u nacaynaa oo waxba kasoo qaadi mayno yaah. walaalayaal hogaamiyayaal qabiil ku fogaaday ayaanu helnay ee inaad halkaas idin la aado wax wanaagsan maahan.

    doorkii riyaale samaroon baa lagu fiiqayay farta doorkana ma aniga isaaq miyaa. waar heedhaha inteenan ku bahowda 26ka june yaah hadaad sidaas wax u aragtaan maxaa laga qabaa in dib u heshiisiin loo sameeyo beelahan degan goboladan xoriyada qaatay 26 kii june 1960kii. anagu waxaanu rabnaa in umada degan waqooyi ee somaliland la isku keeno la mideeyo yaah. aynu ku soo noqono xoriyadii 26ka june qaadanay. waayo somalia waa nalagu soo dhacay cigaalna kolkisii hore kamuu fiirsan ee xamar buu iskaga dhex dhacay berigaas. qaladaad waawayn ayaa dhacay. umadii kolka hore waxaa lakala doorsiiyay somaliland ma xorowdaa mise ingiriis bay kusii hoos jirtaa. dee badanaa xoriyad ayay doorteen xoogaa mooyee yidhi ingiriis aanu ku sii hoos jirno 10 sano oo kale.

    dee after xoriyadii yaah ayay hayd in umada laga qaado afti oo la yidhaa midnimo somali marabtaan mise inaad madaxbanaanida somaliland sii wadno dee tii lama yeelin ee xisbigiii baa iska go aansaday. dad badan oo diidan ayaa jiray midnimadaasi lala galay somalia. tiiyoo kolka horeba guux badan jiray ayay isla 1960kii bilaabeen cadaalad daro qololadaasi somalia. yaah dee kuwii hore u diidanaa iyo kuwo cadaaladarada ka qayliyay ayaa is biirsaday dee waatii 1961kii inqilaab dhacay. hadana fashilmay yaah weli cidi meel may marin umadan codkoodii. dee tiiyoo guuxii jiray midnimada ka hor ku kale ku biiray ayuu maxamed siyaad bare isna halkaas uga sii lisay oo waaba kii ogaadeen soo hubeeyay kolkii lagu jabay dagaalkii 1977kii dee yidhi deegaanadan waqooyi qaata se isagu taas wuu ogaa in ay somaliland goosan doonto any minute oo guuxu badan yahay kolba kolkii kasii dambeeyay sii kordhayay yaah. ilaa ay umadii wada qaraxday. dee midowgaasi mid caafimaad qaba muu ahayn ee mid lagu kala aragti duwanaa buu ahaa. laakiin puntland iyadu somalia lamay midoobin ee kolkii horeba kamid ayay ahayd ee waa wax nagu dayo isleh weeye. walaal anaga iyo reer jabuuti yaah waa la iskaayo barbardhigi karaa oo waanu ka karaamad saraynaa qabiil in nalagu tilmaamo. inqilaabkii 1961kii dad badan ayaa ayidsanaa so ma aragtaan dee mid kolkisii hore fiyoobaa ayuu ahaa oo aan laga fiirsan oo aan umada lagala hadal. oo umada la iskaga dhex tuurau oo aan shuruud la dhigin oo sidii kaligii talis oo kale loogu tuuray umadu waxaanay rabin ee arrinka somaliland waa in lasoo nooleeyo xuduudi iyo qaranimadii somaliland ee lagu dhawaqay 26 june 1960 gii weeye. waana arrin kolka hore la isku haysto ayay ahayd oo umada la iskaga dhex riday. laakiin maanta waa go’aan somali kolkii horeba iskuma oolin hadaad u jeedaan shanta somali laakiin puntland kolkeeda hore may ahayd dal somalia. kolkaa yaan la isku qaldin somaliland puntland iyo jabuuti. case ka somaliland waa mid lamid ah kuwa jabuuti sidoo kale lamid ah kuwa saxaraha galbeed ee moroco xooga ku qabsatay. africa kolkuu gumaysigu baxay waxay soo saartay go aan ah in la ixtiramo oo aan waxba laga badalin xuduudaha uu isticmaarku kaga tagay africa. taasi oo ay arrinta somali republic waayo wax xuduudkaas africa waafaqsan ma ahayn. se waataas walalayaal case ka somaliland waa laga ogolaan karaa wadamada africa iyo ururka barwaaqo sooranka. sidaa darteed ha isku laaqina somalia iyo somaliland iyo puntland. puntland lama midoobin somalia ee way kamid ahayd kolkii horeba ee anagaa la midownay somalia kana noqon karna. wax umadi wada leedahay weeye somaliland ee maahan wax aad aniga ii gaar ah. aniga snm uun baa ii gaar ah ee somaliland waad illa wadaagtaan walalayaal wax laga doodi karaana maahan ee waa wax africa iyo UN u yaala weeye oo hadhow lala hortagayo oo ay tahay inay labadaasi qaran ee aduunka ahi u taala oo ay ka doodi karaan. somalia arrintan somaliland ma qusayso ee somalia waxa kaliya ee quseeyaa waa puntland oo ah bari nuugaal iyo mudug waqooyi. sool sanaag bari waxay la yimaadeen kolkii hore somaliland wana sidaas ayay arrintu u soconaysaa. arrimahoodana waxay quseeyaan labadan gobol ee sool iyo sanaag bari waa somaliland ee maahan waxay somalia shaqo ku leedahay oo ay wax ka khuseeyaan ee anaga dhexdeena ayay tiilaa hadaad go’aysaan iyo hadaad nala joogaysaan. umadan somaliland baad ka mid tihiin hadaad samaroon tihiin iyo hadaad hartida degan sool sanaag bari iyo beesha isaaqa. markaa arrin umadii isku qaranka ahayd ee xoriyada qaadatay 26ka june u taala weeye arrimaha deeganadan.

    • WAXAAD ILAA MAANTA QORAYSAY WAXBA KAMA JIRAAN MA AHAYN WAX CUSUB OO HADA LA QORO WAA WAX 20 SANO UGU DANBEEYEY LA QORAYEY …. KULASE YAABIMAAYO WAA WAX AY JABHADII SNM KU AKHRIYEEN QABIILADA AY KASOO JEDAAN (HABARJECLO,HABARYOONIS, HABAR AWAL IYO IWM) SI AY U FUSHADAAN U JEEDKOODA SI AY IYO DANAHOODA IYO WADAMADA SHISHEEYE QORSHOHOODO U FULIYAAN WAANA WAX JABHADA KALE SAMEYEEN.

      FADLAN DADKU WAXBEEY AKHRIYAAN HADII LAGU KHALDAY NA KHALDIMEYSID …. DHULKA SOMALIYEED QABIILADA OO DHAN AYAA WADA DAGI JIRTAY HADANA GOOB AYEEY U DAGANAYEEN, GUMEYSIGIII AYAA YIMID DADKANA KALA QEEBQEEBIYEY OO LAKA BAXAY BRITISH SOMALILAND, ITALY SOMALILAND FRENCH SOMALILAND IYO NFD II SHEEG MAAMULKAAD TIRI SOMALI AYAA LA ORAN JIRAY WAA GUMEYSIGII???? … WAXAYNA U YIMIDEEN MAAMULO JIRA OO AY HOGAAMIYAAL DHAQAMEEDYO XUKUMAAN, WUXUUNA AQOONSADAY iNGRIISKU DHULKII UU MARKAA UGU YEERAY BRITISH SOMALILAND OO AHAA MICNAHA DHULKII SOMALIYEED EE INGRIISKA = SOMALI+LAND WUXUUNA AQOONSADAY HOGAAMIYE DHAQEEMADYADII KA JIRAY …. WUXUUNA XORIYAAD ISMAAMUL MADAX BANAAN OO U KHAAS AH SIIYEY SULDAAN MAXAMUUD CALI SHIRE MADAAMA UU AHAA KII UGU AWOODA,CIIDAN IYO DHUL BADNAA XAG MAAMUL AHAANNA ISMAAMULI JIRAY.

      OGAADEN,DHULBAHANTA IYO WARSANGALI HALKII XORIYADA GOBALADA WAQOOYI WAXAY KA QATEEN BOQOLKIINA SIDEEDTAN HADEEYSAN KA BADNEEN. OGADEEN ISKABA ISKADAA DHULKII SOMALI AY LAHAYD OO DHAN AY SAAMEYSAY DHAQDHAQII XORIYADEED. DHULBAHANTA WAXAA UGA DHINTAY KALA BAR KA BADAN WAXAY MAGAN GALYO U SOO GALEEN GOBALKA SANAAG UU SULDAAAN MAXAMUUD CALI SHIRE. WARSANGALINA KALA BAR KU DHOW AYAA KAAGA DHINTAY.

      ANIGU MALAHI QABIILADA KALE KAMA QEEBQADAN DAGAALKA XORIYADA HASE AHAATE WAXAY AHAYEENSE RAG GANACSADA AH IYO KUWO GUMEYSIGA DHULOOKADA WAX KU SOO BARTA.

      RAGII ISBADALKA KEENAY INKASTOO AY KALA QEEB SAMEEN HALKANII DHEXDIISA HADANA DIB U MIDOOWBAY, SULDAANKA .. SULDAMADOODA SOMALILAND … SULDAN MAXAMUUD CALI SHIRE AYUU AHAA SHAQSIGII U XIRNAA MUDO KA BADAN 6 JASIIRAD SI AY UGA XORABAAN GUMEYSIGA KADIB KADIBNA HELAY XORIYADII IYO XORIYADII QEEB KA MID AH DHULKA SOMALIYEED.

  4. horta waxan u jawabaya ninka cawora land u hadalya oo dhahay warsangli waxay ka mid yihiin somalilan bay kamid yihiin waxan ku dhihi laha aniga isaaq ma ninhana marka hore somalilan waa isaaq lana beelaha kale oo aad isku qor qoraysid idkuma jirna gadabiirsaya waxan u aqana awadal land so waxan ka codasnay dad aad helayna inaad isku dar dartid walaga wacan yahay ka fiirso somalia waa hal labo ma isaaq maka dhig karayo waad mahdsan tahay

  5. asc wallayaal aniga waxaan idinku darssan lahaan sikasta oo harti loo kala saarsaaro harti ma kalakalabaxo waa ul iyo diirkeed maanta soomaali cid iskala qaybqaybinaysah malahn fiiriyiya somaliland iyo koonfur iyo qabiillada kale oo daaroodka nala ah walaalyaal inaga maxaa isku keendiray oo aan isku hayshaysanaa oo aan isugu calool bugnaa walaal anigu waxaan oranlahaa harta halagu dadaalo sidii la iskugu keeni lahaa laakin yaalagu dadaalin sidii loo kale ganlahaa mahadsanidiin

  6. TO: reer sanaag.

    magaca warsangali ha istcimaalin ama (reer sanaag) sidaad u hadleysid una caytameysid ayaa laga fahmayaa cidtaadtahay iyo nacaybka kaa buuxa …. sababtoo ah hadaldii ay ku hadlaan nimankaas unbaad ku hadlaysaa …. war hadiii aad majeerten necebtahay ogoow warsangalin waxba uma haysid waana nacebtahay WARSANGALI, ANAKANA kooxdiina yar ee wareersan waanu ka soo horjeednaa ma ahan qabiilka ISAAQ OO DHAN EE WAA WAA MOORYANTA AQLIGA RABTA INEEY DADKA KA BADASHO DIBNA UGU CELISO GACMO WADAMO KALE DHULKEENA SOMALIYEED IYO CADOWGEENA TARIIKH DU NABARTAY.

    nimaan taariikh lahayn ayaa ku faana SOMALILAND MAGACA LA DHAHO (WAA MARKII LA EEGO QAABKA LOO ISTICMAALAYO HADA) ama waxba ka garanneyn soo fadlan hoos ha u dhi gin reer hana iscebeen ee qabiilka ma xumee iska sheego waxaadtahay …..

    ….. ama baro tariikhda somalia ( tariikhda somaliya ilaa 1000 sano iyo ka badan MAAMULADII JIRAY oo iskood ISku maamulayey, halgamadii lasoo maray, qeebsigii gumeystayaashii yurub ay kala qeebsadeen sida BRITISH SOMALILAND,ITALY SOMALILAND, NFD AND FRENCH SOMALILAND …. magaca lagu bixiyey inkastoo uu yahay SOMALI +LAND (DHULKII SOMALIYA EE INGRIIS AMA TALYAANI HADANA MA AHA WAX LAGU FAANO AMA AQOOSI WAKHTI LAGU GUMESYTAY WAX LAGU FAANO MA AHAN QOF XOR AH …. SABABTOO AH WADAMO AYAA ISKU QABSADAY ANAA DHULKAAS UGU HOREEYEY TIGIDIISA OO ANAA ISKA LEH HADANA SHEEKADU WAA ANAA GUMEYSTAY MAAMULI JIRNAY,

    WAXAA IGU FILAN SOMALI AYAAN AHAY SOMALIYA AYAAN KA IMID! BEEL EEG

  7. To: maxamed, nur iyo morcase

    ………… qeebtii 2,

    DHINACA dhacdooyinka hadii aanu u soo laabona waxaa jira iyagana ( dhulbahante) waxyaalo ay tirsanayaan inkastoo aanan wada haynin aana jecleen inaan halka ka sheego wax isku diriya FAMILY ga ama nacayb ku saabsan. shaqsi aahantey waxaan ahay nin W (warsangali) jecelna 7 WIIL sisiman iyo somali oo dhan.

    waxaa lagaaray inaan tariikhda cashar kabarano … ma aha in hogaamiye kasta la diido ama si indha la aan ah lagu tageero isagoo loo eegayo bas shaqsigaa waa ina adeerka. looma baahna jabhadii kale sidii kuwii hore (SSDF,SNM,SSC, UNC IWM …) DHamaantood wax faa idaha ay keneen majirto aanan ka ahayn marxalada somaliya ay ku jirto maanta … waxaana laga wada maamulayey dibada somaliya u jeedaduna wuxuu ahaa in la tirtiro magaca somaliya, aaway magacii iyo karaamadii somalia?

    WAAN QIIRODAA MARKAAN SOMALIA XASUUSTO IDINKANA MEEL HOOSE AYAAD KA FAKAREYSAAN (SOMALILAND,PUNTLAND, MAAKHIRLAND IYO IWM …) REER REER , SHAQSI SHAQSI, XUKUN XUKUN ….MAXAY SOO KORDHIYEEN? QABIILSE QARAN MALAGU NOQDAA ? ILAA IYO HADA SOMALIDA KAMA AYSAN JAWAABIN SU AASHA ILAA IYO LAABANTAN SAN IN KU DHOW …. INTA OGNOW AWOOD IYO XIKMAD AY KAGA SAARAN MA HAYAAN AANAN KA AHAYN BAARUJIN.

  8. TO: mohamed, nur

    qeebta 1,

    WALAALAYAALOW u kaadiya oo fardihiina ceshta waxyar (MJ) ….. (1) maxay dhulbahante bi i yeen? (2) maxaa lagu haystaa? jawaab

    (1) hadii 10 sano ka badan wiil walaalka isku fac ah uusan KA KICIN kursiga mudadaas dheer oo hadana ku daryeelin si siman marka laga eego mashaariicdii 10 sano ka socotay MAGALOOYINKA IYO TUULOYINKABA dhinacyada horumarka lagaba yaabo in nasiib ay ku heleen qaarkood!!!!

    (2)Ma waxaa lagu haystaa dhacdooyin hore dhacay sida SAYIDKII looool mise kii SIYAAD BARE (Illaahay ha u wada naxariiste) mise waa xiriiirka koonfureed?
    Horta tan sayidkii dhulbahante isaga ayaa ku dhamaaday labada dhinacba ama ha adeegsado ama hadilee sida qabiilada kale ee somaliya oo dhan uu ku dhigay …. waana laga wada samin yahay dhamaan. KACDOON BARAKEYSAN AYEEY GARAB TAAGNAYEEN, SABAB? SABABTU GUMEYSI KUSOO DUULAY DHULKOODA AYEEY U LADAGAALAMAYEEN UNA DAGAALAMAYEEN … LAKIIN LAYNTA SHACABKA WUU KU KHALDANAA SAYIDKU 100% WRONG.

    Tan siyaad bare shuqul kuma aysan lahayn si gaar ah waxay ka simnayeen beelaha somalida oo dhan wixii dhacay … isla ( (MJ) ayeey ahayeen wixii kala furfurnaa ciidamadana ugu sareeyey IYO JAREERWEYNE.

    Xiriirka koonfereed waa mid dhinac marka laga eego DHINACA fiican dhinaca kalena xun. dhinaca fiican waxa weeye labada maamul (somaliland iyo puntland) oo ka hisheeyey dhulka iyo go doonka shacabka dhulbahante in ay ka baxayaan … waxay kaloo fariin u direysaa itoobiya oo aan jeclayn somali oo mid ah nabadna ah. dhinaca xun in dhulka MJ u raadsadaan dhul ama dagaalo sokeeye ama dhexdooda isdilaan Illaahayna waxaan ka baryayaa inuusan dhicin IWM ………. AKHRI qeebta labaad 2 kor……….

  9. horta rag ayaa dood ka dhigaya somaliland ayaa laascaanood qabsatay horta halkay somaliland ka qabsanaysaa laascaanood ee iyadaa kolka hore juqraafiyan iska lahayd oo laga qabsaday oo xuduudkeeda soo dhacsaday. mida kale kulahaa isaaq waar dagaalka laascaanood dhulbahante ayaa ka qayb ahaa oo maantana somaliland raba. meeshan wax isaaq la yidhaa maleh ee somaliland oo ka kooban beelahan isaaqa gadabguursiga ciisaha dhulbahantaha warsengeliga iyo gabooyaha oo ah kuwa laga tiro badan yahay. yaah. waar anigu laascaanood ma qabsan ee anaa la iga qabsaday kolkii hore. somaliland xad ayay lahayd ee xadkeedii ayaa lagu soo gudbay. meeshan waxaa yimi majeerteen oo isku qasaya juqraafi iyo qaran. waar anagu ma lihin dhulbahante tolkaa maahan oo idin ma kala goynayno ee xadkeena ayaanu ilaashanaynaa. anagu isaaq sow inagama degaan oo ciise waakaas isaguna ku kala teedsan yahay jabuuti somaliland itoobiya. samaroon sidoo kale ku kala teedan yahay itoobiya iyo somaliland idinka laftiina dhulbahante ku kala teedsan tihiin itoobiya iyo somaliland ee ilaahbaan idinku dhaarshay halkee bay qabiil iyo qaran iska soo galaan. somaliland waa dal jiray oo xoriyadeeda lasoo noqotay kolkay koonfur ku hingoobeen. yaah puntland na waa mamul qabiil ku dhisan oo hal qabiil ahi iska leeyahay. waxa halkaa dhulbahante geeyay waan iska garanaynaa waa rag kolkii u alaha u naxariistee uu cigaal kala diray kolkuu xilkii ka dhamaaday uun baa halkaas tagay yaah. walal haduu xil kaa dhamaado wa ceebaa waayo meesha contract ayaa yaala. mida kale kolkii xilka laga qaaday meesha waxaa lagu bedelay nin isla tolkii ah. ee arrrintu berigaas may xumeen se wax jiray way jireen ee waa intuu riyaale yimid ayay sii qudhun tay waayo waxaa kolka hore bani aadamka ka dhaadhacsan in beeshaas ay wax badsan doonto sidiina way dhacday yaah intuu isaaqna meesha u buuxshay ayuu samaroonka meesha u buuxiyay hartina ka tagay taas baana arrintan keentay. yaah se cigaal sidaas ma sameeyeen. laakiin anagu wanaaga dhulbahante gaadho wuxuu inooga dhigan yahay somaliland oo wanaageedii heshay. nabad deegaanadaasi ka hirgashaana wuxuu inooga dhigan tahay tiiyoo ay somaliland dhamaystirmatay. laascaanood cida haystaa waxaan idiin sheegayaa walaalalayaa waa isla beesha ee isaaqu shaqo kuma leh somaliland ahaana rag beeshan ka yimi baa xukuma. isla dhulbahante weye waxa meeshan jooga askartu waa dhulbahante beel dhan ayaa somaliland aaminsan weliba sadex beelood oo degan gobolka sool. waana sidan arrintu wasalaamu calaykum.

  10. waar horta ninkan majeerteen ee baraystay inuu faraha lasoo galo afaaraha beelaha wada degan sanaag iyo sool muxuu is mooday inuu yahay atoore. soco anagu weligeen manu ahayn qayb kamida majeerteen ee somaliland ayaanu ahaayn sidoo kale somali baanu nahay. eega gardarada uu meeshan ka wado yaah waar goormay beeli beel wakiil ka noqon kartaa waalane waar heedhe kolka laga hadlayo faraqa u dhaxeeya puntland iyo somaliland way kala cadahay. ee puntland beeshaada ayay kolka horeba gaar u ahayd ee anagu somaliland baanu ahayn oo weligeen nahay. somali republic na somaliland ahaan baanu ku hoostagi karnaa. waayo somaliland waa dal ay wada degaan beelahan isaaqa samaroonka ciise dhulbahante iyo anaga warsengeli. oo leh masiir ay lahaayeen 26kii june. na dhaaf nasakh yahaw. somaliland oo kaa daacad san oo kaa qaransan baanu isla wareernay madoo qabiil soocan ah miyaan ku ogolaanayaa. oona ku ah cadow walaalaheena kale ee ogaadeen yaah. intaan rabo waan ku darsan tfgda waayo somaliland ayaanu nahay ee ma nihin puntland ee na dhaafa jaaw.

  11. marka hore waxan leyahay wad salamantihiin gudiga iyo shaqalah ee webka laasqoray.waa marka xiga /horta puntland inta wada degta xagee bay isaga yimaden.xage bayna isir wadag ka yihiin?? puntland xukumadedu waa afarta golaha sarre,.rerka HARTI layirahdo cid uma dhafsisana inta hoganka xukumada haysa… umana moodid dad hal meel ku abtirsada.waxad moda in afarta koone ee adun waynaha inti laysaga kenay layiri deganadas isugu taga oo mamul samaysta..ano ula jeedah.kala dad sanan xogan ee dhexda rerpuntland ka jidha.aysan na aqoon.wixi dhexdina ha waa idin gaare.wixii cid shisheeya idinka yimada. mid isaga noqda. taaso kutusaysa in manta deganadi reerputnland malinba meel la qabsanayoh.haday noqotoh lascanood oo ku xiqday kuna dashay tolayeey yaa hartiyooy wax u hiltamana wayday.waxa so raca ceergabo iyo galkacayo oo iyaguna dadshisheeye gacanta ugu jidhah.dadku wa hurdane.lakin waxa lagu jiraa waxkale iska daaye.xili ah in aad kaftami waydoh.ma wax ka liita jirah..cajabnaa
    qodobka 3dexaad.hadan uso dadego qoralkan aan ka bixinayo..qurba jogta dhulbahante jawabtay ka bixiyeen.hadalki uu farole yiri…waa ku saxsan yihiin 100%100…waa dad dhulkodi lahaysto. waxkale iska daaye xata harti nimo loogu wada hiilin wayay..dawlada puntland nah ay ka si jesatay deganadas la haystoh ay soo celisoh
    i agree ssc

  12. dhubhantow maanta hadaad wax noqonaysaan cidi idin ma haysato. dhib uun baad nagala tegaysaan. aflgaadada aad tolkiin ku haysaan hawiyha iyo isaaqana aad ku amaanaysaan wacadalayn meel idiin gaynayn.mj idiin ma baahna oo dadka caqliga saliimka ah lihi waa diidanaayeen bilowgii inaad puntland ka mid noqotaan waana la ogaa in tani dhacayso. garaadkii hawiyuu xumaan majeerteen u galay oo aan ognahay in iyagiiba maanta dab ka baxaya. shirarkan iyo edebdaradan aad dibadaha ka wadaan meel idin gaarsiin mayso. mj dibad idinkaga badan laakiin inay tolkood la ficiltamaan ma rabaan. sayid maxamed idinkuu harti idinku laayey, siyaad barre sidoo kale, maanta waxa faroole ka baqayaa waa idinkoo idoor iyo hawiye harti idinku laayo. laascaano idinkaa faraha ka bixiyey oo ciidinkii puntland jaamac siyaad baa dhabar jebiyey oo waad ogtihiin. majeerteen idin ma aaminayo oo wiilashiisa dhulbahante 10 madhabood leh ku laynmaayo.

  13. Garnaqsi
    walaalayaal, horta anigu waxaan ahay nin Maxamed Harti ah ama Majeerteen. Ma moogi inaan wada dhalanay hadana si weyn baan ula socdaa wixii hadardaamo ahaa eed noo geesateen. Waxaan la yaabaa eedaha joogtada ah oo aydan u meel dayin had iyo jeerna aad ku hadaaqdaan. Bal aan gar naqsano oo xaajo meel isla dhigno. Fadlan ii cadeeya hadaan dhibaato la eg kuwa aad noo geesateen aan anagu idiin geesanay. Ka bilaw waagii calanku u lulanayey Maxamed Cabdulle Xassan. Ma inkireysaan inaad hormuud ka ahaydeen saqiiro laygii dhacay. Badidiin ma ogidin ee intiina waxgaradka ah bal weydiiya. Tan labaan waagii Maxamed siyaad Barre na qoonsaday oo si aan loo aabayeelin noo leynayey inaad garab u ahaydeen ma moogtihiin. Garbaxa oo gar qaata. Walaaluhu waa kuwa isku calool fiyow oon wax kala qarsan. Waxaad nagu eedeysaan waxbey qarsadaan. Hadana waxaad ogaataan inuu jiri karo walaalkaa aad wax ka qarsato marar badan.

  14. Alleelehe hadaa DHULBAHANTE TALADII hayaan, Waa la eedey Hoosiiskii Puntland ku sheeg, Reer maakhirna ha ku daydeen sida wanaagsan ee SSC iyo Dhulbante isku abaabulay.

    VIVA SSC, VIVA Maakhir

  15. waxaa maskaxdayda ku soolaab laabta su’aalo tira badan dhul bahante cidna iskama dhicin karo in dadka laga dhiciyana ma ogala ani waxaan ku talinlaa in laga qaado dhamaan wasiirada iyo madaxweyne ku xigeen puntland oo jagada madaxweyne ku xigeenka lasiiyo warsan gali waayo madax weyne ku xigeenku wax kale mataro oo aan ahayn kharash puntland dhulbahantana la yiraahdo walaalayaal soomaali dhex gala bal aan aragno meeshay ku danbeeyaane

  16. Dhulbahante uma Baahna in ay taageeraan nin
    Xamar jooga oo aan waxba uqaban karin waxay ubaahan yihiin In ay Taageeran CID Alaale cidii
    usoo Celonaysa dhulkoodii isaaq qaatay iyo Caruurtooda iyo Dumarkooda La langediyey
    wana in ay Hagaajoyaan Qoriga iyo Baaqyada Geesinimada leh marks ay ku wajahanyihiin dhanka Puntland marka xaga isaaqa loo jeediyana Qorigu ladino Baaquna Aashuun ku hadal nodo

    Iska Dhabacada sida Geel Ramaas umuuqday